Cabdinaasir Buuni Halyey Qaran By Khadar Ibrahim

0
Tuesday November 16, 2021 - 10:36:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdinaasir Buuni Halyey Qaran By Khadar Ibrahim

    Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah .

waxaan shaki ku jirin layskuna khilaafi karin inay daacada iyo kartidu ay u tahay dhagaxa u asaaska ah ama tiir dhexaadka wax waloo la qabto ama hawl waloo biniaadamku u dhaqaaqo, labadaasna hadii laga waayo howl loo dhaqaaqo mid qaran ama mid gaaraba, midha badani kama dhashaan,waxaa soo raaca aqoonta ,planka iyo kudhaca ama ku dhiiriga,lakiin intaa hadaanad ka daacad ahayn waxbadani kuuma qabsoomayaan.

 

waxaan intaa uga socdaa xukuumadeena maanta ka talisa dalka waxaa ka soo mudhay siyaasiyiin runtii ka astaanan waxqabad iyo maamul wanaag waxaana ka mid ah afhayenka madaxtooyada somaliland Md.Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni.

 

shacab weynaha aya ku faana in ay Somaliland maanta leedahay afhayen sida BUUNI oo runti ka shaqeya danta guud ee Somaliland,ninka waxqabadkiisu a fara badan yihiina sxb tv.ga mar walba wad ka daawanaysa amba diid amba yeel, taaso waxay tusaysa dadka aan si wanaagsan u garanayn BUUNI inuu yahay siyaasi khibrad weyna ku leh siyaasada. runtii waxaa wax lagu farxo ah markaad aragto shakhsi mas’uula oo qarankan hawl u haya weliba mid culus sida afhayenka madaxtooyada, oo aynu wada garankarno culayskay leedahay ,hadana markuu masuulkaasi ka soo dhalaalo shaqadiisa waa mid farxad dheeraad ku gelinaysa .

 

taas waxaa u raacad markaad aragto daacadnimada iyo kartida ka muuqata waa mid kaloo farxad dheeraada kugu abuuraysa iyo kalsooni. Waa nin mabd’ leh mana baqo.lagama yaabo inaynu isku khilaafayno Cabdinaasir Buuni waxqabadkiisa iyo kartidiisa, daacdnimadiisa iyo shakhsigiisaba waa shakhsi ka madhan qabyaalada iyo ku dhaqankeeda ,waa shakhsi jecel inuu sinaan iyo cadaalad wax ugu qabto umadiisa Somaliland.

 

waxaan ku soo gabagabaynaya runtii waa mid waajib aan u arkay in kelmad wanaagsan aan ka idhaahdo shakhsi ku tilmaaman waxqabad iyo siirad wacan, ilaahay hala garab galo BUUNI hawshiisa qaran, waxaan leeyahay inta joogta wadanka shacab iyo masuulba in lagarb istaagno afhayenka qaranka.

 

W/Q: Khadar Ibrahim

063-700-6002


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...