Mukhtaar Cilmiyaw Si Xun U sheeg Sixir Wuu Ka Daran Yahay ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday November 16, 2021 - 09:57:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Cilmiyaw Si Xun U sheeg Sixir Wuu Ka Daran Yahay ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Runeey Lagu Neceb!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Runeey Lagu Neceb!

Waxan leeyahay Ninka uu magaciisu kor Ku qoran yahay "  Ma taqaanid beebta'e, runta barasha-deedaa, Bello kaa hor joogtaa" Hadaad waxa jira ee sidda cadceedda u muuqdda, taas oo aan sacab iyo maro, daah iyo xijaab aan mid-na lagu qarin karin ama dedi karin. waxan moodaayey in beentii la soo derderi jirey ay dhamaatay, ee saw caalamkan waxay ku hadhay " Xusbiga Qudhmiye" Gaar ahaan Adiga, Buuni, Labadda askari ee kala ah " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan, waa wax laga xishoodo, in uu nin weyni oo qoraa  sheeganayaa uu beenta intaa leeg soo buufiyo, iyadda oo laga wadda dheregsan yahay waxay xaqiiq-du tahay, Aan ku taabsiiyo'e, 

 

Waxa la yidhi ama ay maah-maahi ahayd " Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen" waa tan runtii ee ma cirkaad qaban mise dhulka baad ka dusi doontaa, maanta dabadeed waa yaab meesha aad qaban ee aad ku baxsan doonto, ilayn adiga baa is gawracayee. Waxad tidhi maqaalka aad maanta ku qortay Hadhwanaagnews, oo ay bishi Sebtamber ( September) 15/11/2021, oo ku calaamdsan ayaantii koowaad shir'weynihii 2aad ee Xusbiga Waddani. Sidda ku xusan maqaal-kaaga, waxad tidhi  " Beesha Arab way ka dareereen Xusbiga Waddani, oo ma ay tegayaan shirka golaha dhexe ee maanta" taas oo haba-yaraatee ka fog waxa ay arkayaan dadku. Waxa la yidhi Beeni Lug keliya bay leedahay, taasna marka la qabto bay dhacdaa, hadaba waxan ku waydiinayaa,  waxa fadhiya oo xaqiiqa ah 85 ruux oo beesh Arab ah, Waxa hor kacaaya intuu ugu waawayned ama ah madaxdda ahayd ee Beeshaas, hadaan kuu yar taab-taabto, waxa shirka fadhiya.

 

Mudane Cadilqaadir Jirde, Xuseen Axmed Caydiid,  Xildhibaan Nac-nac, Mujaahid Ila meerayso, Mujaahid Cali Curi, waxa kale oo ku jira hogaanka Xusbiga ee Cusub Gabadha uu dhalay  " Mujaahdi San-balooshe" Oo Illaah ha u naxariisto'e Aabaheed ( San-balooshe) isaga oo ahaa sarkaalkii haystay Xalane wakhtiggii aan ku jirey 1978kii. lama soo koobi karo tiradda Beesha Arab ka qayb gashay shirkan aad beenta ka shegtay.

 

Waxan ku soo koobay sheekhaw, oo la yidhi " Runtu beenta waw cadaw, Xaqii-baadil laga raac" Sidaas oo ay tahay, Wuxu yidhi illaah ha u naxariisto'e Macalin/ Abwaan Gaariye " Runeey lagu neceb, Rafiiqaa-giyo raayid daalina, nina kuma rabo, lagu reebyoo, laysku kaa riix, Nin-ba dhan u rogay, Raatub-taaddii, tuugu la raxlee" Hadaba waxan ku weydiiyey " Saw meel kagama aad dhicin Beesha Arab" Ee sidda mugga iyo miisaanka ah u fadhidda " Shirkan labaad ee Golaha dhexe ee Xusbigga Waddani" Oo aad tidhi beesha sare ku taal, Waxa aad ku soo faygartay maqaal-kaaga bilaa salka ah, badhina aan ku fadhiyin. Bal hadaba adigu noo sheeg, cidda aad tidhi way ka dareereen shirka, ma reer kale oo aan ahayn Arab Sheekh Isaxaaq baa? Mise waa mid kale oo aad jeebka adigu ku sidatay? Bal ummadda u kala cadee, ha loo wadda joogee" Cidda ay yihiin beesha aad ka waramaysaa?" Waxan ku soo gabaga-beeyey, sheekhaw madhasha baa markhaatiya, ilayn wax aan soconayn, oo la arkaayo lama soo malma-luuqo'e. waxan kugula dardaarmayaa, inta aad ka baxdo khiyaaligaa , oo aad ku soo biirto " Xusbiga Rajadda Shacabku" Waa Waddaniye, ha ku habsaamin reer hebel iyo dhalan-teede, yaanu wakhtigu kaa tegin, ee Tareenka Xusbiga Rajadda Shacabka, ee ay ummaddii ku soo ururtay gude iyo debed-ba, waa la khaldmaa laakiin been lama sheego, ee dib dambe hawgu noqon waxaas oo kale.

 

* N.B Runeey Lagu Neceb!

  Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...