Baadigoobka "Gabadha Ugu Gabayga Wanaagsan Ee Sandkan Ee Laanta Af Soomaaliga Ee BBC" Ayaa Hadda Furmay

0
Monday May 20, 2019 - 20:23:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadigoobka "Gabadha Ugu Gabayga Wanaagsan Ee Sandkan Ee Laanta Af Soomaaliga Ee BBC" Ayaa Hadda Furmay

    Abaalmarinta laanta af Soomaaliga ee BBC ee hablaha gabya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaalmarinta laanta af Soomaaliga ee BBC ee hablaha gabya

– oo sanadkii saddexaad la maamuusayo – ayaa waxaan soo dhaweynaynaa codsiyada gabayada ee gabdhaha Soomaaliyeed, iyadoo aysan ku xirneyn wax shuruud ah oo dhanka khibradda ah



Abaalmarinta hablaha da’da yar ee gabyada ee laanta af Soomaaliga ee BBC ee sanadka 2019-ka, waxaa lagu baadigoobayaa gabayo af Soomaali ah oo asal ahaan ay u leeyihiin dadka soo gudbinaya, waxayna u furan tahay gabdhaha da’dooda u dhexeyso 16 illaa 35 sano.


Gabadha guuleysata iyo kuwa labada kaalin ee xiga soo galaa waxaa looga dhawaaqi doonaa munaasabad lagu qaban doono magaalada Djibouti, ee caasimadda Jamhuiriyadda Djibouti, 18ka July 2019. Hablaha guuleysta waxaa la guddoonsiin doonaa abaalmarin lacag ah, gabayga ugu wanaagsanna waxaa lagu baahin doonaa raadiyaha laanta af Soomaaliga ee BBC iyo bbcsomali.com.


Madaxa Laanta Af Soomaaliga ee BBC, Cabdullaahi Cabdi Sheekh, waxaa uu leeyahay: "Tan iyo markii aan bilownay abaalmarintan, waxaan aragnay gabdho badan oo Soomaaliyeed oo ku dhiirraday inay soo bandhigaan xirfadooda gabayada, taas oo ah sababta aan markii horeba u billawnay, in hablaha ay helaan madal ay ku soo bandhigi karaan xirfadooda iyo hal-abuurkooda.”


Sannadihii la soo dhaafay, boqollaal dumar ah ayaa hal-abuurkooda soo gudbiyay oo ka soo qeyb-galay tartankan, gabdhaha horey ugu guuleystay waxay kala ahaayeen gabdho ku nool magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeisa. Labada gabay ee guuleystay waxay diiradda saareen dhaqanka soo jireenka ee Soomaalida; Mid waxay muujisay agabkii dhaqanka ee Soomaalidii hore u adeegsan jireen, tan kalena waxay sharaxday sida nolasha miyiga ay u waanagsaneyd.


Rachael Akidi Okwir, Madaxa luqadaha Bariga Afrika ee BBC ayaa tiri "Abaalmarintan waxay horey nooga caawisay soo saaridda codad dhif ah oo ah gabayo ay qaadeen gabdho ay da’dooda yartahay. BBC waxaa ka go’an inay xoojiso u adeegidda dhageystayaasheeda dumarka da’da yar ah, laanta af Soomaaligana waxay hormuud u tahay dadaalladaasi,”


Gabayada aad soo gudbineysaan waa inaysan ka badnaan 15 sadar oo qoraal ah amaba hal daqiiqo oo cod duuban ah. Soo gudbinta gabayada waxaa ugu dambeysa 15-ka June saacaddu markey tahay 23.59 GMT ee saq-dhexe.


Waxaad gabaygaaga ku soo gudbin kartaa [email protected]ama barta BBC News Somaliwebsite. Faafaahinta sida aad uga qeybgali karto iyo shuruudaha la iska rabo waxaad ka heli kartaa BBC News Somaliwebsite.


Laanta af Soomaaliga ee BBC waxay ka tirsan tahay qeybta dunida la hadasha ee BBC.

Dhammaad//


Haddii aad faafaahin dheeraad ah u baahan tahay fadlan la xiriiri :- [email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...