Gudoomiya-nimadda La Tibaaxay In Xirsi Lagu Wareejinaayo Waa Uunqisdigii Jamal Cali Xuseen Ee Faysal Cali Waraabe "

0
Monday November 15, 2021 - 09:33:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiya-nimadda La Tibaaxay In Xirsi Lagu Wareejinaayo Waa Uunqisdigii Jamal Cali Xuseen Ee Faysal Cali Waraabe "

    W/Q: Abokor Mohamud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abokor Mohamud

Wakhtiga iyo jawigga ayaa lagu abaaraya ee wax isbedel ah oo dhacaya ma jiro Xisbig Wadani . Gudoomiyha saxda ah ee Xisbigu waa Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilahi (Cirro) , haddii aad diid lahayd iyo haddii aad qaadan lahayd ba . Waxa wanaagsan in ummadda caqliggeed indho-sarcaad lagu gufeynaayo wax ka haboon loo la yimaado ummadnimadeed iyo dawladnimeed korisa . Sidda kale waa daal la korodhsaday uun ,kolba haddii aan tartan xor ah oo xalal ah oo isu dheeli tiran waxna aan la isula hadhayn aan lagu fureyn Shirka-2aad ee Xisbig Wadani kaalmaha sare Gudoomiya ku xigeenka Musharaxa ku xigeenka Gudoomiyah Golaha dhex ,Gudoomiyaha ,Gudigga Fulinta , Xoog-haya-guud iwm.

 

 Waxa Ummadda ku qancin karto loo boggo ma jirto marka qaabkan oo kale wax loo mala-awalayo . Isbedelku ma ah qof la bedelo markaan qof kale lagu bedelaayo iyadoo aan qaabka sharcigga iyo nidaamka la marin Xeerkii hoosadka Xisbig oyo ka dastuurka Qaranka balse la maro qaab debeda lagu sii go,aan qaatay wax dhici doona . Halkaa waxa u eegtahay in lagu xad-gudbay xuduudah rabbi ee u gaar ah! Isbedelka Xisbig Mucaarad ah iyo mid Muxaafid ah JSL ah lagga doonaya waa isbedel bud-dhiigiisu yahay Nidaamka iyo heykalka "Xisbi" kaas oo aan la saadalin karin qofka kus oo baxaya kaalmaha mudan ta ah ee Xisbig hogaankiisa ah iyadda oo loogu gogol xadhaayo doorshadda xor ta ah ee xalalaaha qof walba ka qayb noqonaayo ee Xisbig doonaya inuu noqdo hogaankiisa , ha ahaato kaalinta ay doonte .

 

 Waxa intaa dheer in aragtidda iyo qorshaha siyaasadeed ee Xisbig mucaaradka ah doonaayo inuu ku kasbado kalsoonidda ummada inay ka muuqato in degaan gaar ah lagu raali gelinaayo oo kuwo  kale oo Xisbig ku jira  oo wakhti, dhaqaale taageero iyo hiilba laga  doorbido si badheedh ah oo loo wadda jeedo hadh galay  taas oo ah qaabka dhabar-taabashadda ah ee loo  sidda gaar ah  loo go,aanka loogu gaadhay iyadda oo aan dhex dhexaad  jirin  lagu lafa-guray  qaabka waxa magaca-yaal loogu  cimaamdaayo .

 

 

Waxa Wadani iyo xulufadiisu doonayaan inay ummadda u soo bandhigaan riwaayada ay hore ummadu u daawatay oo ay ka qaan-gaadhay Si kastaba ahaate dhawan la arki-doona iyo wakhti aan fogeyn , Xirsi oo ay soo gudboonaatay masaladii uu ku qoray Buugiisi (Miyi ilaa Magalo) ee uu yidhi waxa ku tiraabay Ahmed Silaanyo " Waar yaa harageedii nagaga-celiya " taas oo noqonaysa markii haboonan lahayd iyadoo aanan ku deg degin Gudoomiya nimadda magac-u yaalka ah?!

 

Abokor Mohamud

[email protected]. 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...