Cirro Lagu Khasaar Qore Mukhtar Cilmi

0
Monday November 15, 2021 - 09:29:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cirro Lagu Khasaar Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

Berito waxa furmaya riwaayadii shirweynaha xisbiga waddani iyadoo ay dorba qaraxyo kadhex abuurmay qaabka loo maamulay xolashada ergada iyo tiradooda, waxaana beesha arab lagugu kacay fal aad u xun oo runti khasaarad ayuu ka gaadhi doona xisbiga waddani mustaqbalka hargeysa xiliga doorashadda madaxtooyadda soo socota.

 

Runti waddani waa la afduubtay waxaana afduubtay xirsi cali xaji xasan oo ayaamahan soo bax baxayeen waraaqo musuq maasuqa madaxtooyadu kaga cunaysay misaaniyadii dalka iyo khayraadkiisa, runti in badan baan hadlay cirro wuxuu khiyaamay bahweynte kusoo tabcay xisbigan iyo dadkii naftooda uhuray xisbiga, beri subaxnimada ayuu xisbigii dhamaa u iibinaya balan qaad been been ah ,berito waddani noqon maayo ee magaciisu wuxuu iso badeli doona ex kulmiye!!.waxaasna waxa u sabab ah CIRRO.

 

Cirro khasaarad uun ayuu siyaasada la dhex fadhiyey,dadkuna way ka daaleyn qol qalooca siyaasideed ee u ka dhigtay dhaqan,anigu waxaan u arkaa shirweynahan in u ku noqon doono mid fashilin doona cirro iyo xirsi iyo hangashtii kasoo hadhay kulmiye...waxaan tacsi udiraya dhamaan dadkii waddani u soo tacbay oo maskaxdoodi iyo lacagtoodi galiyey waddani, waddanigii hore la inqilaab lana wareegay,khasaarad iyo xasrad iyo ciil ayuu ku danbayn doona CIRRO...

 

Qore Mukhtar Cilmi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...