Saif al-Islam Gaddafi: Wiilkii uu Qadaafi ugu jeclaa ilmihiisa miyaa madaxweyne ka noqon raba Liibiya?
Wiilka uu dhalay hoggaamiyihii la dilay ee Liibiya, Mucamar al-Qadaafi, ayaa isu diiwaan geliyay inuu ka qayb galo doorashada xilka madaxweynaha ee markii ugu horreysay si toos ah uga dhaceysa dalkaas bisha dambe.
Saif al-Islam Qadaafi ayaa ahaa wiilka uu adaafi ugu jeclaa carruurtiisa, sida uu ku muujiyay qaabab badan, isagoo mar walba gacanta wadan jiray xilliyada uu ka qayb galayo isu soo baxyada iyo kulamada ay ku jiraan kuwa caalamiga ah. Ilaa yaraantiisii waxa uu ahaa mid lagu daba arko aabihiis oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha horseedka u ahaa carabta iyo Afrika.
Xitaa mar waxaa loo arki jiray inuu ahaa ninka xilka ka dhaxli doona aabihiis, balse taageeradii uu u muujiyay howlgalki gacanta birta ah loogu wajahay mudaharaadeyaashii 10 sano ka hor kacdoonka sameeyay ayaa magiciisa dhulka la galay.
Tan iyo markii ay shacabka kacdoonka sameeyeen sanadkii 2011-kii, Liibiya ayaa ku jirtay dagaal sokeeye.
Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay natiijada ka dhalan karta doorashada ay codbixinteeda dhici doonto 24-ka bisha December, iyagoo ka cabsi qaba inay noqon weyso mid caddaalad ah.
Dalalka awoodaha caalamka iyo xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in qof walba oo isku daya carqaladeynta habsami u socodka doorashada ama farogalin ku sameeya natiijada uu wajihi doono cunaqabateynno.
Sawirro iyo muuqaallo ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujinaya Saif al-Islam Qadaafi oo hor fadhiya boor ay ku xar dhan yihiin sawirrada ololaha doorashada, isagoo saxiixaya warqadaha isdiiwaangelinta doorashada.
Muuqaalka dhexdiisa ayuu kula hadlayaa dadka isagoo soo qaadanaya aayad Qur'aan ah oo fasirkeedu uu yahay "annaga iyo dadkeenna dhexdeenna ku xukuma runta".
"Alle mar walba wuxuu awood kusoo bandhigaa ujeeddadiisa," ayuu sidoo kale yiri isagoo soo qaadanaya aayad kale oo ka mid ah Qur'aanka Kariimka ah, isagoo intaasna ku daray mid kale oo uu ku leeyahay - "xitaa haddii ay neceb yihiin dadka aan rumeysneyn".
Waxa uu lahaa waji aad uga duwan kii uu muujinayay ka hor inta uusan dhicin kacdoonkii lagu soo afjaray xukunkii aabihiis ee la riday 2011-kii.
Markii ay dhacday dowladdii Mucamar Qadaafi, oo isagana loo dilay si arxan darro ah, Saif al-Islam Qadaafi qudhiisa waxa uu gacanta u galay koox maleyshiyo ah.
Waxaa afduub ahaan loo heystay muddo lix sano ah, isagoo muddadaas dhexdeedana lagu riday xukun dil ah, inkastoo markii dambe laga noqday.
Wiilka Qadaafi wali waxaa doondooneysa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiya oo ku heysata eedeymo la xiriira dambiyo ka dhan ah bani'aadannimada, balse waxa uu hadda si tartiib tartiib ah u xoojinayaa inuu fagaareyaasha kasoo muuqdo.
Dhawaan waxa uu kasoo muuqday wareysi uu siiyay wargeyska New York Times xilli uu goor sii horreysay oo sanadkan gudihiisa ah ku sugnaa gurigiisa ku yaalla magaalada Zintan.
'Go'aan aad u weyn balse aan ahayn lama filaan'
Dib usoo rogaal celinta wiilka Qadaafi waxay kala qaybsanaan dhinaca fikradaha ah ka dhex abuurtay gudaha Liibiya, sida ay sheegtay Amira Fathalla oo ka tirsan qaybta war qabadka ee BBC-da.
Sidaasoo ay tahayna, dad badan layaab kuma aha inuu xilka madaxweynaha isu soo sharraxo maadaama sannado badan lagu tirinayay inuu hoggaanka u loollami doono.
Dadka reer Liibiya xasuustooda markii la eego, aad bay u adag tahay inuu isagu ku guuleysto xilka madaxweynaha, maadaama wali lasoo gocanayo waxyaabihii laga tabanayay, sida uu sheegay tifaftiraha BBC-da ee Bariga Dhexe, Sebastian Usher.
Go'aankiisa musharraxnimada waxa uu qiil qiil sii galinayaa hannaanka doorashada oo markii horeba aan cago adag ku taagneyn.
Sannado ay Liibiya ka socdeen dagaallo sokeeye kaddib iyo awoodaha iska soo horjeeda ee ku kala sugan bariga iyo galbeedka waddanka, Liibiya waxaa hadda hoggaamisa dowlad ku meel gaar ah balse waxaa jirta xasilooni darro siyaasadeed.
Xilliga ay dhaceyso doorashada, ismaandhaafka u dhaxeeya ururrada siyaasadeed ee Liibiya iyo dhinacyada iska soo horjeeda ee isku khilaafsan shuruucda doorashada ayaa halis ku ah inay marin habaabto codbixinta doorashada madaxweynaha.
Musharraxiinta kale ee tartanka qaybta ka ah waxaa ka mid ah dagaal oogaha lagu magacaabo Khaliifa Xaftar - oo horay u hoggaaminayay xoogag kasoo duulay dhinaca bari oo weerar ku ahaa dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee ku sugan Tripoli.
Waxaa kale oo ka mid ah Ra'iisul Wasaare Abdulhamid al-Dbeibah iyo afhayeenka baarlamaanka Aguila Saleh.
bbc/somali