Ila Qosol, C/llaahi Maxamed Cumar

0
Sunday November 14, 2021 - 19:07:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, C/llaahi Maxamed Cumar

    Bariido kaddib, ku soo dhawaada akhristayaal sheeko kale oo ka mid ah sheekooyinkeennii, Ila Qosol.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bariido kaddib, ku soo dhawaada akhristayaal sheeko kale oo ka mid ah sheekooyinkeennii, Ila Qosol.

Nin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa raggii geela aadka u jeclaaa, ayay hali ka bukootay. Markii ay ba'naatayna waa la gowracay; intii aanay dhimanin.



Ninkii hasha lahaa, ayaa ku dhaartay; in aan hilibka hashii heblaayo agtiisa lagu raamsanayn (cuneyn)! Wuxuna codsaday, in hilibkeeda lala aaso.

 

    Markii si kasta loo waaniyey ee u diiday, ayaa warkii loo sheegay; nin ay ilma'adeer ahaayeen oo aad u caqli badnaa.

 

Ninkii baa ku yidhi, " Hebalow, ma waxad dooneysaa; in hasha lagula aaso?" Ninkii hasha lahaa ayaa yidhi, " Haa!"


Ninkii caqligaa badnaa ayaa ku yidhi, " dhibaato ma laha oo waa lagula aasiye, kafanna soo iibi, neefkii xabaaloqudkana soo xidh - soo diyaari!!


Ninkii hasha lahaa ee dadka hilbaheedii uga dhaartay ayay talo ku caddaatay oo wuxu sameeyo garan waayey! Waayo, beryahaasi dadka ayaaba loo la'aa maryo lagu kanfo. Waxa kale oo laxojeclo ka qabatay neefkii xabaaloqodka.

 

Ninkii hasha lahaana inta uu garan waayey wuxuu sameeyo, ayuu fasaxay in hilibkeeda la cuno!

Sidii ayaa lagu cunay hilbihii hasha ee uu markii hore dadka uga dhaartay.

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...