Fataawada Soonka: Qaybta 1. Waxa Tarjumay: Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

0
Monday May 20, 2019 - 20:04:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fataawada Soonka: Qaybta 1. Waxa Tarjumay: Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

    Halkan Kala soco Maalin walba bisha Ramadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Kala soco Maalin walba bisha Ramadaan

Qof Isagoon Waxba Cunin ama Cabin Niyaystay Inuu Soonka Jabiyo

======

1. Su’aal: Hadii qof si kama dambaysa u niyaysto inuu soonka jabiyo isagoon wax cunin ama cabin, miyuu soonkiisu jabayaa?

Jawaab: Waxa la ogyahay inuu soonku ka koobanyahay niyad iyo ka fogaanta waxa soonka jabiya, qofku wuxuu niyaystaa inuu soonkiisa Alle ugu dhawaado isagoo ka tagaya waxyaabaha soonka jabiya, hadduuse go'aansado inuu ficil ahaan u jabiyay soonkiisii, kolkaasi soonkiisu wuu jabay.

Hadduu soon Ramadaan yahayna waxa ku waajiba inuu ka fogaado waxyaabaha soonka jabiya ilaa cadceed dhaca, waayo qof walba oo cudurdaar la'aan ku afuray maalin Ramadaan waxa ku waajiba inuu inta maalinta ka hadhay ka fogaado waxyaabaha soonka jabiya iyo inuu maalintaa qalleeyo.


Qofkiise aan go’aansan (inuu soonka jabiyo) ee wali isku haya inuu jabiyo iyo in kale, kaasi arinkiisa culimadu way isku khilaafeen:

Waxa ka mida kuwo yidhi: Soonkiisu wuu burayaa, waayo go’aan li’idu waxay lid ku tahay go’aanka.

Kuwo kale ayaa yidhi: Soonkiisu ma burayo. Waayo waxa asala oo la tix gelinayaa inay niyadu jirto ilaa uu go’aansado inuu gooyo oo uu suuliyo. Kan (ra’yigan) ayaan rajaxayaa xoog ahaantiisa awgeed, Ilaahay ayaa u cilmi leh.

Sh. Ibnu Cusaymiin

*************************************************************************

Qof Wali Wax cunaya iyadoo loo Adimayo Subixii
======================================

2.Su'aal: Akhristaha C.Al-Faaris ayaa doonaya inuu ogaado xukunka shareecada ee ku saabsan soonka qof isagoo maqlaya adaankii subaxa hadana wax iska cunaya oo cabaya?

Jawaab: Qofka mu'minka ah waxa ku waajiba inuu ka joogsado waxyaabaha soonka jabiya sida cunada, cabitaanka iwm haddii ay u cadaato inuu waagii baryay, soonkuna yahay farad sida Ramadaan, soonka nadarka iyo soonka kafaaro gudka. Waayo Allaah ayaa yidhi:

{وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّى يَتَبَّنَ لَكُمْ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنْ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنْ الْفَجِْر ثُمَّ َِأتموا الصيام الى الليل}البقرة:187.

{Cuna oo caba ilaa ay idiin kala cadaadaan khadka cad (waaga) iyo khadka madow (habeenka) ee waqtiga fajarku, soonkana dhamaystira ilaa habeenka}

Haddii uu qofku maqlo adaanka, ogaadana in loo adimayo fajarkii waxa waajib ku ah inuu ka joogsado waxyaabaha soonka jabiya, haddiise uu mu'adinku adimayo waabariga ka hor ama ka dib kolkaasi waxay badbaadadu (الأحوط) ku jirtaa inuu iska joojiyo waxa soonka jabiya markuu maqlo adaanka. Dhibna gaadhimayso haddii uu wax cuno ama cabo xillaga adinka, waayo wali kama warqabo inuu waagii baryay.

Waxa la ogyahay in qofka ku dhex nool magaalooyinka laydhadhka lihi aanu xilliga waago baryayo awoodin inuu garto in waagii si dhaba u baryay iyo in kale. Waxase la gudboon inuu dadaalo isagoo kaashanaya adaanka iyo jadwalada kuu sheegaya saacadda iyo daqiiqada uu waagu baryayo, isagoo ku camalfalaya hadalka Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ee ah:

((دع ما يريبك إلى ما يريبك))

(Ka tag wixii ku shaki galiya oo ku camal fal wixii aan ku shaki galin)

Iyo hadalkiisa (صلى الله عليه وسلم) ah:

((من اتقى الشبهات فقد استبرأ لدينه وعرضه))

((Qofkii ka dhowrsada arimaha shakigu ku jiro waxa uu badbaadiyay diintiisa iyo sharafkiisa)).

Allaana bixiya towfiiqda.

Sh.Ibnu Baaz

*****************************************************************************

Qof Wax Cunay Iyadoo la Adimayo ama Wax yar Adaanka ka Bacdi
=====

3. Su'aal: Alle tacaalaa waxa uu yidhi:

{وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّى يَتَبَّنَ لَكُمْ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنْ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنْ الْفَجِْر ثُمَّ َِأتموا الصيام الى الليل}البقرة:187.

{Cuna oo caba ilaa ay idiin kala cadaadaan khadka cad (waaga) iyo khadka madow (habeenka) ee waqtiga fajarku, soonkana dhamaystira ilaa habeenka}.

Waa maxay xukunka qofka suxuurtiisa iska dhamaysta biyana caba xiliga adaanka ama rubuc saac ka dib adaanka?

Jawaab: Haddii qofka su'aashan ku xusani ogyahay in xilliga uu wax cunay waxna cabay ka horeeyay waabariga, qale isaga kuma waajibin. Haddiise uu ogaado inuu wax cunay waxna cabay waabariga ka dib, kolkaasi qale ayaa ku waajiba.

Haddiise uu kala garanwaayo in xilliga uu wax cunay ee cabay ahaa waabariga ka hor ama kadib kolkaasi qale kuma waajibin, waayo waxa la xukumayaa in ay habeen tahay illaa ay cadaato inuu waagii baryay. Waxase qofka mu'minka ah u haboon inuu soonkiisa ilaashado, oo markuu adaanka maqlo ka istaago waxyaabaha soonka buriya, ilaa uu ogyahay mooyee in mu'adinku adimayo waqtigii subaxa ka hor.

Sh.Ibnu Baaz


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...