Waaddada Ceerigaabo – Warbixin Kooban

0
Saturday November 13, 2021 - 11:15:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waaddada Ceerigaabo – Warbixin Kooban

    W/Q Maxamuud Aadan Jaamac "Galaal"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Maxamuud Aadan Jaamac "Galaal"

5tii_November_2021

Shir ka jiray magaalada Ceerigaabo iyo howlo shaqo ayaanu u baxnay 5tii November 2021.  Waxa safarkaa ila socday Eng. Dalmar Axmad Jaamac. Shirka ka sokow waxa aannu labadayaduba aad u danaynaynay in aanu aragno isbadelka iyo horumarka ku yimi waddadii Ceerigaabo ee ku magac dheerayd #Siilaanyo_Road maadaama ay dhammaadkii 2017 labadayadaba maritaankeedu noogu dambeeyey. Anaga oo tix gelinayna balanqaadkii Barnaamij Siyaaseedka Xisbiga Kulmiye 2017-2022 iyo balanqaadyadii Muuse Biixi Cabdi xiligii uu murashaxa madaxweyne ahaa. Anaga oo ku xisaabtamayna in muddo xileedkii madaxweyne Biixi afar sano in dhaafeen oo sanad keli ahi u hadhay, waxaanu rajaynaynay in waddadaasi dhamays tirkeedii geba-gebo yahay oo ay dhammaad ku dhowdahay. 

 

Waddadu waxay ka bilaabmataa Ina Afmadoobe/Magaalo Yar waxaanay ku dhammaataa Ceerigaabo. Dhererkeedu waa 272 Kilometres. Warbixintan ku dari mayno qaybta Burco ilaa Ina Af-Madoobe maxaa yeelay qaybtaas Shiinaha ayaa toddobaatannadii dhisay oo kama mid aha "Siilaanyo Road”.

 

Markii aanu Ina Afmadoobe waddadii ka qabsanay ee ilaa 2.5 Kilometres (KM) soconay baa waddadii go’day ka dib waxaanu raacnay waddo "rough” ah oo dadweynuhu barbarkeeda ka irmaanaysteen. Haddaanu cabbaar yar socono (1.5KM) haddana waddadii wey go’day. Marka aanu wax yar soconoba qayb waddada go’an baa naga hor timaada.



Waxaanu markiiba garwaaqsanay in aan laga geyoonaynin oo ay wakhti badan u baahantahay qiimaynta waddani. Waxa aanu qiyaasnay shaaca oo afar sacaadood ku madoobaanaya, isla markaasna waxa aanu go’aansanay in aanu soo noqoshada wakhti hore Ceerigaabo ka soo baxno oo si cilmiyeysan waddada u faaqidno (survey) qoraalna ka soo saarno. Sidaas ayaan aniga iyo Eng. Dalmar Axamed isla qaadanay.

 

#7dii_November_2021

Kontaroolka Ceerigaabo ayaanu goor subax ah ka soo baxnay, marka laga tago waddada oo meelo badan ka go’an, meelaha aan gonayn dayac badan baa ka muuqday.

 

Sideedaba dismooyinka waddooyinku waxay ka kooban yihiin qaybo ama (layers) lays dul saaray oo laysku kabbisay (compressed). Waddada Ceerigaabo waxay ka kooban tahay shan (5) qaybood oo is dul saran. Saddexda (3) hoose waa gunta (base/foundation) iyo laba sare waa "iksu-haye” (Binder Course) iyo Daammurka ugu sareeya.

 

Qayb weyn oo waddada ahi kamay gudbin qaybihii hoose ee gunta ama aasaaska iyo kebisaadda. Mana aha laammi balse dhul laysku simay oo kabbisan (level and compacted) laakiin shaagaga gaadiidka dhakhso u idlaynaya ama jarjaraya (erosive gravel type stones).


Illaa afar biyo mareen oo yar oo in biyuha waddada la hoos mariyo ayaanu aragnay hase yeeshee wada qabyo ayey ahaayeen.


Waddadu boqol iyo laba (102) meelood bay ka go’nayd.  Meesha igu yari waxay ahayd siddeed meter (8 meters). Meesha ugu dheere waxay ahayd 2,560 meters ama 2.5 Kilometres oo ahayd laga bilaabo tuuladda #Tuura_ilaa_Wardheer.

 

Waxaa kor ku xusan 102da qaybood ee waddada ee go’an, inta kilimeter ee Ceerigaabo looga soo socday iyo cabbirka inta meter ee ay go’an yihiin. Kuma ay jiraan qaybaha qabyada ah, kala dhantaalan ama aan dhamays tirnayn.  Kuwaasi oo halista ugu weyn waddada u ah, una baahan qiimayn taayada ka balaadhan.

 

#Gunaanad

Marka la eego dayaca wadadda gaadhay iyo inta lagu kordhiyey afartii sano ay xukuumaddani Muuse Biixi hogaaminayo ay dalka ka talinaysay, waxa labada badan dayaca afartii sano waddada gaadhay.

 

Waxa kale oo cad in aan sanadka hadhay lagu dhamays tiri karin shaqada iyo dhismaha baaxadaa kor ku xusan leh.

 

Wararka sheegaya in Madaxweynuhu Engineersadii waddada Ceerigaabo ka shaqaynayey kaxaystay oo uu u diray waddooyin beer uu isagu gaar u leeyahay taga ma xaqiijin karno mana beeneyn karo.

 

Haseyeeshee, waxa xaqiiq ah in Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Hayadda Waddooyinka JSL ay bishii 3aad xilkii iska casileen si ay uga qayb galaan doorashooyinkii golayaasha ee isku sidkanaa. Waxaa hubaal ah in aan madaxweynuhu sagaal (9) bilood oo ka soo wareegay muddadii masuuliyiintaasi is casileen aanuu cidna xilkaas u magacaabin. Taasi waxay muujinaysaa in aanay xukuumaddan ahmiyad weyn ugu fadhiyan waddada Ceerigaabo iyo kuwii kale uu madaxweyne Biixi ku ballan qaaday markuu codka shacab weynaha doonayey.

 

Wa Billaahi Towfiiq

Maxamuud Aadan Jaamac "Galaal”

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...