Aammusiintii Wasiirka Igu Ooyay: Xadhiggaygii 16ka Cisho (24.10.2021-08.11.2021). Qaybta 1aad.

0
Saturday November 13, 2021 - 11:08:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aammusiintii Wasiirka Igu Ooyay: Xadhiggaygii 16ka Cisho (24.10.2021-08.11.2021). Qaybta 1aad.

    La soco qaybta 2aad insha Allah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La soco qaybta 2aad insha Allah.

Bilawgii Qardoofada, Qabashadaydii, Jidh-dilkii Askarta iyo Saldhigga Sakaraadka Ah ee Maxamed Mooge

Illaa Julaay 2021ka; xiisad ayaa naga dhex taagnayd Wasiirka Waxbarashada, taas oo ka kacday arday uu meermeerinayay oo aan u hadlay iyo anshaxmarin uu amray in la ii qoro. Xaalku wuxuu adkaaday fiidkii maalin Khamiis ah; 14kii Oktoobar 2021ka oo laba nin oo kala ah Shiine Xariir iyo Maxamed Aadan loo xidhay muuqaal laga duubay nin ay wasiirka walaalo yihiin oo cabanayay, markii raggaas la taxaabay ayaan faafiyay sawirkii ninkaas, waa la isoo afxumeeyay.



Kaddib waxan baahiyay muuqaalkii aniga oo  ku baaqay in la sii daayo labadaas maxbuus. Rag ayaa sarajoogga ku ataxyaadsaday. Wiil wasiirku abti u yahay oo Khaalid Shaacir la dhaho ayaa dil iigu gooddiyay. "Gef haddaan sameeyay adigu ilama xisaabtami kartid, abtiyadaa ma meteshid naga dhex bax. Axdigaas dilka ahina wuu inoo yaal” baan ku idhi, welina waa tabtii wacadku.


Subaxnimadii xigtay ee 15kii Oktoobar 2021ka ayaa laba askari guriga la iigu keenay, waana aan diiday in aan raaco, waxaana sabab u ahaa qabyooyin aan gacanta ku hayay. Sidoo kale waxan diiday ergo hawsha dhex geli lahaa, falkaasi waa uu dhicisoobay.


Aniga ayaaba dacweeyay askartaas iyo wiil wasiirka waxbarashadu abti u yahay oo horgale u ahaa. Degmo ayay ka soo gudbeen, wax sharci ahna ma ay wadan sidaas baan ugu oogayay kiis lid ku ah. Haddii ay isla kay rogtana waan darbanaa.


Aroornimadii Axadda ee 24kii Oktoobar 2021ka waxa aan u tegay ardayda dugsiga sare ee Faarax Oomaar, qaarkood ayaan kala shiray sidii loo meelmarin lahaa tabashadooda. Inta aan dhexda ku sii shaaheeyay ayaan guriga tegay si aan u yara seexdo. Xilli aan ku qiyaasayo 13:00 ayay shan askari soo galeen gudaha qolkayga oo furnaa, "Waa kaas, kac Siciidow” ayay yidhaahdeen. Haddii aan weyddiiyay waxa dhacay ma ay warcelin, waxa ay ku adkaysteen in aan raaco. Ma ay haysan xeer iyo xaashi lagu bannaysto boolida ay u haliilayaan.


"Dharka aan xidho ayaan idhi” aniga sii carrabaabay surwaallada hoose, shaadh iwm. Waa ay ka dhaarteen. Mid ka mid ah ayaa gacanta igu dhegay aniga oo raba inaan maryo xidho. Aniguna waxa aan ku gooddiyay in aanan raacin. Dhawr ayaa isku deyay inay i gacan saaraan, waa aanse is adkeeyay.


Buuqii waxa isugu yimi qoyskayga, deris iyo xoon dad ah, waan ku adkaystay in aanan raacin. Raggii haliilayay ayaa iga hakaday, qaar ayaa daaradda u hulleeyay. "Wallaahi inaan immakaas muuqaaltebin toos ah (live) geli” baan idhi. Kollayba xawaarihii way dhimeen.


Waxa na dhex maray:

 Inna mari saldhigga ayaa lagaa rabaa

 Aan ku raaco’e yaa dhibanne iga ah, ma dil, dhac, kufsi, diincay iwm baan sameeyay

 Garan maayo

 Yaa iga dacwoonaya

 Garan maayo, adiga ayaan ku garanaynnaa

 Ma cid aanad garanayn ayaad ii rabtaa?

 Haa

 Markaa miyaa aan iska kaa raacaa?

 Haa, keligay ayaa ku kaxaynaya


Waxa soo kacay abtigay Barkhad Cabdi Cilmi oo "raac” yidhi. Markan annaga ayaa wadanna, "aan hadhimeeyo” baan idhi. Waa la oggolaaday. Xabbad muus ah baan afka geliyay, ‘’ii soo qaada qadada saldhigga ayaan ku cuni’’ baan idhi. Weelkii ayaa askari loo dhiibay. Annaga soo baxaynna ayay aqalka daf soo yidhaahdeen ciidan kale oo yaacayaa "Ma macallin kii baa, waxa na loo sheegay in ciidanka la shiiday. Qof jirri ah in la qabanayo ayaanu moodnay oo gaadhi 2aad ayaa la soo diray” buu yidhi Siciid Gamaame.


Gaadhigii booliska ayaan keligay raacay. Wadaha, askari hore iyo laba askari oo dambe ayaa igu wehelinayay. Markii aanu istaagnay Saldhigga Niyuu Hargeysa ayaa la yidhi "Geeya Maxamed Mooge”. Waxan arkay wiilkii Wasiirka Waxbarasahdu abtiga u ahaa oo askarta ka qoranaya tirsiga taleefankooda, watana gaadhigii Baraabogos ee 72313. Sidii ninkii Suxufiga ahaa ee Buush ku tuuray kabaha ayaan yarkii ku shiiday diirkii muuska aan markaas cunay.


La ye "Waa maxay ninkan dagaallamayaa?” Gacmaha ayaa la iga katiinadeeyay. "Ninka aad maagaysaa waa ciidanka xuuraanka (basaasiinta), waan garanayaa” ayuu askari yidhi. Shaw dhegaha aanu summadda la raadinnaa nagama foga. Kaas oo miidhan ayaa dirawal tagsi aanu u naqaannay.


Halkii ayay igaga hadheen askartii Niyuu Hargeysa ee lahaa "adiga ayaannu ku garanaynnaa”. Kuwii i walwaalayay ayaan waraystay "Waxa aannu nahay askarta Saldhigga Sheekh Nuur oo 24kii saacadood ee u dambeeyay lahaa heeganka nabadgelyada, hadba halkii wax ka dhacaan ayaa nalaga wacaa” ayuu wadihi yidhi. Intii jidka lagu jiray ayaan ka codsaday in uu taleefan ii dhiibo. Dadkii aan wacay ee badnaa waxa iga qabtay Garyaqaan Siciid Geeljire , Siyaasi Mawliid Muuse Dacar  iyo Suxufi Cabdiqaadir Carab


Aniga oo gacmaha ka xidhan ayaa la igu dejiyay gudaha saldhigga M.Mooge. Judhiiba laba yaryar oo jirri ah baa i tuurtuuray, "soco waaryaahe” ayay yidhaahdeen. "Saldhig baan joogaa gujada iga daaya” baan idhi. Waxa qol halkaas ah ka soo baxay nin aad u madaw oo dhuxulnimadiisa awgeed lagu sheegi karo "Dugulo”.


Sidii aan u hurday buu u hurdaa. Garan cad iyo macawis casaan-madaw ah buu xidhan yahay. Dharkii booliska ma gashana. Halkii buugga dhacdooyinka ayuu noogu yimi. Aniga oo taagan buu i tuuray, soco, gacan ayaan iskaga waabiyay. Miyaa aan fakan karayay? Maxaa ciil hayay. Weji-macbuus buu ahaa


Judhiiba feedh, laad iyo wixii uu karayba wuu miciinsaday. Labadii yaryaraa ee haliilayay baa ila guusay oo aan garaacista u yaraysan. Iyada oo ay saddexdaasi i halanbaynayaan ayuu soo galay gaadhkii maxaabiista ilaalinayay. Wax aan tantoobo, dhirbaaxo iyo feedh u garan waayay ayuu wejiga iyo sanka igaga jiiday. Siddeed gacmood ayaa mar igu kulmay.


Maxabiistii ayaa ka ergaysay inaan la i dhaawicin. Kii taliyaha ahaa ayaa qaaday loox yaallay xafiiska oo cududda bidix iyo bawdada igaga jiiday. Wuxu axmaqsanaa. Inta uu magacaygii, magaca hooyaday iyo da’dayda ku qoray warqad cad ayuu yidhi "Seellada ku xidh”.


Diiwaanka maxaabiista waxba la iiguma dhigin. Kollayba nin la igu sii qanjiidhiyay baan u qaatay. Jidh naxariisi u dambayso iyo jid janno midna ma haynnin. Haddii uu dhiigkar leeyahay oo uu iska suuxayo, waxyeellana u hamuumayo waxa ila qurxoonayd in la daweeyo. Dulqaad baa laga rabaa ninka dad loo diray.

La soco qaybta 2aad insha Allah.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...