Soomaalilaan Way Ku Hagaagsanayd In Ay Iska Fogeyso Afwerki Iyo Saaxiibbadii

0
Saturday November 13, 2021 - 10:49:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalilaan Way Ku Hagaagsanayd In Ay Iska Fogeyso Afwerki Iyo Saaxiibbadii

    W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

Maanta waxaa bariga Afrika laga cuudinayaa siyaasaddii Maraykan isu ekaysiinta ahayd ee uu hormuudka ka ahaa Abiy Ahmed. Siyaasaddan oo ujeedadeeda ugu weyni ahayd sidii uu guluf taageero ugu heli lahaa cadaawadda uu u qaaday amar diidada iyo isla weynida Tigreega.

 

Hoggaamiyayaashii uu islahaa waad kasbatay, waxaa ugu weynaa madaxweynaha budh la duulka ah ee Eretriya oo isaguna dantiisu ahayd mid uu markiiba ku guuleystey, ahaydna sidii ay Iitoobiya ugu hor kici lahayd wadamada IGAD in ay reer galbeedka kula dacwiyaan in cuna qabataynta laga qaado.

 

Waxaa isagana si bilaash ah sawirka loogu galay madaxweynaha Soomaaliya ee iminka maqaar saarka ah, mudane Farmaajo oo isagu la wadaagi jiray labadaa madaxweyne sheekooyin aan qosol dhaafsiisnayn " ma u ekahay Xabashi shaarubo leh? iyo Jeberti baanu wadaagnaa Afwerki. "

 

Raysalwasaare Axmed wuxuu qiimayn kari waayey khasaaraha iyo faa'iidada, ta ay ugu badinayso la rafiiqidda Madaxweyne Afwerki, waana ta maanta doogteedii ladhka iyo xanuunka ku hayso. Xukuumadda Soomaalilaan si wanaagsan ayay u qiimaysay ugana go'aan qaadatay qar iska xoorka iyo siyaasaddii xiinka waalayd ee Abiy ku dhololayey.

 

Iminkana, Soomaalilaan waa in ay ku dadaashaa sidii ay tashi wada jir ah u wada yeelan lahaayeen maamulka Soomaalida Iitoobiya iyo madaxda Jabbuuti ee ay dan wadaagta yihiin.

 

Bashiir Tarabbi Oogle,

Burco, Soomaalilaan.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...