Afar Xanuun Oo Aan Lays Qaadsiin.

0
Saturday November 13, 2021 - 10:40:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Xanuun Oo Aan Lays Qaadsiin.

    W/Q: Sadam Osman Kaabash.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sadam Osman Kaabash.

Waxaa jiraa qaar ka mid xanuun dhaliyayaaasha lays qaadsiiyo. Taas macnaheedu waa in qofka xanuun uu qabo uu u gudbin karo xanuun dhaliyayaashiisa (jerms-ka) qof kale, kuwaas oo ku sababi kara isla xanuunkii. Hasayeeshee, waxaa jira xanuuno badan oo qofka marka ay haleelaan aan loo gudbin Karin qof kale, sida xauunnada lagu kale qaado qaniinyada xayawaanka, cuntada, cabbitaanka, ama ka soo gudba xayawaano. Mararka qaarka xanuun dhaliyayaasha sida caadiga ugu nool jidhka caadiga ah ayaa marka ay bataan sababa xanuun.

 

Waxaan maqaalkan ku soo qaadan doonaa xanuuno marka ay qofka ku dhacaan aan u gudbi karin qof kale:

 

    Xanuunada laga qaado jiirka iyo wixii lamid ah.

 

Xanuunadani waxay yimaadaan marka ay soo gaadhaan qofka qayb kamid ah wasakhda jiirka sida saxaradiisa, candhuuftiisa, kaadidiisa iyo dheecaano si uun uga yimid, ama marka aad ku neefsato dhas ay la socdaan dhogorta iyo kaadidiisu. Waxaanad ka qaadaysaa xanuunada ay kamid yihiin Hanta-virus iyo Hemorrhagic fever.

 

    Xanuunada shilintu keento.

 

Shilintu marka ay qofka qaniinto waxay ugudbisaa boqolaal bakteeriya iyo fayras ah. lyme disease, Rocky Mountain, Colarado Tick Fever iyo Bourbon virus waa xanuunada shilintu ugudbiso qofka marka ay qaniinto. Sida kale xanuunadan uma gudbikaraan qof kale.

 

    Xanuunka Raybiska.

 

Marka xayawaan qaba xanuunka Raybisku uu qaniino waxa uu u gudbiyaa fayraskii. Xaywaanada keena Raybiska waxaa ka mid ah fiidmeerta, eyda, bisadaha. Xanuunkani waa dilaa. Hasayeesheee xauunkan looma gudbin akro qof kale ama xayawaan.

 

    Bakteeriyada E. Coli.

 

Bacteeriyada E. Coli waxa ay si caadiya ugu nooshahay jidhka aadamaha gaar ahaan mindhicirada. Hasayeeshee, qaar kamid  ah waxay keenaan xanuun. Marka qofku uu quuto cunto ama cabbitaan ay la socoto Bakteeriyadu. Mararka qaar Bakteeriyadani waxay ku badantahay khudaarta qaydhiin ama hilibka aan caadi loo karkarin. Waxaanay sababtaa calool xanuun, matag, yalaalugo, shuban dhiig wata oo aad u daran.

 

Sadam Osman Kaabash.

harguysa, Somliland.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...