Baligubadle Iyo Bangi: Maxay Leeftaa Ma Ba Lulatee?

0
Saturday November 13, 2021 - 10:38:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baligubadle Iyo Bangi: Maxay Leeftaa Ma Ba Lulatee?

    W/Q: Abdirasaq Mohamud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirasaq Mohamud

Waxaan war-baahinta ka arkanay Maanta dhagax la dhigay Baligubadle oo la sheegayo  in Bangi laga dhisayo, iyagoo ay isugu habar wacdeen dhammaan shakhsiyaadkii deegaanka ka soojeeday ee dawladda Heego ka mushahar-qaata, si markaas loo weyneeyo munaasibadda, loona tuso indhaha bulshada deegaanka in wax weyn loo qabtay. Waxay se runtu tahay oo ka dhigantay; nin Gaawe u cushay Geel aan uba xeraysnayn! Maxay nuugtaa, maxay se ka nuugtaa?!

 

Baligubadle Bangi uma baahna, oo waxay dhigata ba ma haysato'e, ee waxay u baahantahay $4.6M ee lagu naas-nuujiyo Gabiley sannad walba mid la mida. Waxay u baahan kastamkii ay xaqa u lahayd ee loo leexiyey Kalabaydh. Waxay u baahantay kumaankun dhalin yaro jaamiciinta ah ee maqaaxiyaha fadhiya in ay shaqada dawladda kala sinnaadaan dhalin yarida Gabiley iyo Jig-jiga yar. Waxay u baahantay Biyo, waxay u baahantay waddooyin, waxay u baahantay caddaalad.

 

Bulshada Baligubadle iyo Axmed-dhagax 30 sanno ayey Somaliland ku dulmaneed oo ay xaqeedii Heego cunaysay. Waxaana markhaati u ah farqiga u dhaxeeya Koodbuur iyo Axmed Dhagax, oo aad mooddo inaanay isku Magaalo ku oollin. Maanta marka cod la doonayo dhagax yar oo meel la dhigay macno ma sameynayo, ee yaan la caayin caqliga shacabka. Reer Baligubadle waa og yihiin godobtoodu cidday ku maqantay.

 

Reer Baligubadle waxaan kaga tagayaa tuducyo uu leeyahay Faarax Nuur. Waxaanu yidhi:

 

Biciidkuba dameer loo sandahay

Diilimaa garaye

 

Dabka lagama karo xaydhawayn

Dawgalkeed galaye

 

U digay oo u digay ee waa qabiil

Loo dan leeyahaye

 

Ma dardaaran baa igu hadhay

Doqonta yeelkeeda.

 

Abdirasaq Mohamud

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...