Doqoneey Dabkeed Ba'ay, Dareemi Mayso Qiiqe, Daamankay Qaniintaa

0
Saturday November 13, 2021 - 10:31:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doqoneey Dabkeed Ba'ay, Dareemi Mayso Qiiqe, Daamankay Qaniintaa

    W/Q:Ismail Abdilahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Ismail Abdilahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]

TU KHAAS AHNA BAHDA IYO AKHRISTAYAASHA.

 

Dogobyada hulaaqiyo,Dabkaba maba dareeman,

Daadko soo fatahayay,Derintuun ugu jiifaane,

Daamankay qaniintaayo,Doqonbu dabkeed ba’y,

Dugsatun waxa u daran,Qiiqa miyay ka durgtaa,

Dockastaba dagaalaa,Deriskeed ka dhacayoon,

Durbaan bayna tumataa,Doorashaan dhacayno,

Dirirta iyo colaadaha,Deegaankuba siloon yahay,

Daaduniyo qaxoontigu,Duleedkoodan tubanyihiin,

Doorkoodiina ay tahay,Ma u diyaar garawdeen,

Derskiini weeyaane,Dugaal lagu xareeyiyo,

Deyr miyaa u oodeen,Dawo adiga kugu filan,

Dalkaaguba ma hayste,Dunida dalab ma siiseen,

Degdeg waxay u keenaan,Mise taasi iga dedan,

Daacuniyo karoon iyo,Duumada iyo gaajada,

Daayin tiisa mooyaane,Difaac maxaad u haysan,

Daadba soo rogmanayo,Dersiyo walaal tihiine,

Dunidana idiin xigga,Dulsaarkiyo qaxoontiguna,

Dabaca madaw weeyaano,Deganaan la’aantiyo,

Dawlad xumaana ugu wacan,Daratoole taad hayd,

Doorkiiba inagu yimid,Dulqaato wax badan tara,

Dunidu meerto weeyaane,diidimayno waayaha,

Digtoonaanse yeeshoo,Dadku way ka badanyiin,

Dusha waxaynu saaro,dalkeenu qaadimaayee,

Digtoonaan digtoonaan,dimaaqadiyo dhegaha fura.

                                Ismail abdilahi handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...