Reer Aw Xasan

0
Saturday November 13, 2021 - 10:26:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Aw Xasan

    W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

Reer Aw Xasan waa: Xasan Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe).

 

Reer Aw Xasan waa: Aadan-madoobe, oo waa Habar Jecle, oo waa Isaaq, oo waa Dir.

 

Reer Aw Xasan iyo Surre, waa isku Kheyre Xasan Ugaadh Aadan-madoobe.

 

Surre waa naaneys, oo magaciisu waa Kheyre. Sidaas darteed, Beesha Surre iyo Beesha Reer Aw Xasan labadooduba waa Kheyre Xasan Ugaadh Aadan-madoobe – bi idni Allaah.

 

Xasan Ugaadh Aadan-madoobe, waxa uu dhaley:

 

1-    Kheyre Xasan Ugaadh Aadan-madoobe 

 

2-    Faahiye Xasan Ugaadh Aadan-madoobe

 

3-    Axmed Xasan Ugaadh Aadan-madoobe

 

4-    Beyle Xasan Ugaadh Aadan-madoobe

 

Reer Aw Xasan waa qeybihii Aadan-madoobe, ee dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad dhinacaas Koonfureed u kala qaxey, ee gobolladaas Koonfureed ku kala baahey, ee ku tarmey, ee ku tafiirmey; ee duruufihii colaadeed daraadood u kala qolo-qoloobey.

 

Reer Aw Xasan gaar ahaan sida Surraha kale ama guud ahaan sida Aadan-madoobe oo idil, ayay iyaguna u baadiyoobeen, oo iyaguna u dibboodeen, oo iyaguna u go’doomeen, oo iyaguna ay tolkood uga go’een.

 

Waa nasiib darro’e, iyaguna xataa intii Koonfur ay iskula qaxeen, ee isku dhiigga ay ahaayeen, ee isku isirka ay ahaayeen, ee isku abtirsiinta ay ahaaayeen, ee isku Xasan Ugaadh Aadan-madoobe ay ahaayeen, ee isku Surre ay ahaayeen, ayaanay xataa is aqoonin, oo aanay xataa is haybsanin, oo aanay xataa is toleysanin, oo nasiib darro aanay ilaa haddeertan wada mideysneyn.

 

Reer Aw Xasan waa Surre, oo waa Kheyre Xasan Ugaadh Aadan-madoobe, oo waa saldanaddii Habar Jecle u talin jirtey, ee xadaaradda lahaan jirtey, ee ilbaxnimada lahaan jirtey, ee dekadaha iyo maraakiibta lahaan jirtey, ee Carabaha ilaa Hindiya ka baayac-mushtareyn jirtey, ee xidhiidhka ganacsi la lahaan jirtey – bi idni Allaah.

 

Haddeer iyo haatan, inkasta oo Aadan-madoobe uu muddo dheer sii kala maqan yahay, oo dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad kala qaxiyey ka dib, aanu dib isku soo wada haybsanin, oo sidii uu wali u kala tafaraaruqsan yahay, oo sidii uu wali u kala qolo-qoleysan yahay, haddana goor ay ahaataba, goor uun buu wada midoobi doonaa – bi idni Allaah.

 

Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯

Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e

Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane

Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide

Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.

 

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...