Ardaygii Ka Yaabiyay Macalinkiisa

0
Saturday November 13, 2021 - 08:55:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardaygii Ka Yaabiyay Macalinkiisa

    Xigasho #Hussein Sahnuni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xigasho #Hussein Sahnuni

Macallin ayaa dharbaaxo adag ku dhuftay mid ka mid ah Ardaydiisa, isagoo ku yiri; "Maxaad u soo qori waysay casharkii laguu diray (Home work)”?!



Ardaygii ayaa si deggan ugu jawaabay, "Macalin, kuma aanan qancin waxa aan ka akhriyay Buuga.” !!

Utaadkii  ayaa yiri;  maxaad ugu qancin weysay?!


Ardaygii ayaa ku jawaabay:; "Sababtoo ah waxa Buuga ku qoran ma ahan wax xaqiiqda ka turjumayo.”

Macalinkii ayaa  markale ku celiyay; "Sidee ku dhacday arintaasi?


Ardaygii ayaa markale ku jawaabay; " Macalinow Buuggu waxa uu leeyahay- Dalkaygu waa wadan Hodan ah,” laakiin Gurigayagu waxa uu ka samaysan yahay Dhoobo,  sidoo kale, Dharkayga, Boorsadayda, dhammaan Agabka Dugsiga, iyo xataa buugaagtayda  waxaa noogu deeqay ururka samafal.


Ardayga oo hadalka sii wata ayaa yiri, Buuga sidoo kale wuxuu leeyahay;  "Dalkaygu waxa uu hodan ku yahay  Shidaal iyo Gaas”  Laakiin ma haysano Gaas aan wax ku karsano, Shidaalna warkii daa, Hooyaday wali waxay wax noogu karisaa qoryo. !!


Wiilka Ardayga ahaa oo Farda-baxaya ayaa sidoo kale yiri; "Buuga waxa uu leeyahay dalkaygu waa waddan khayraad badan leh” … laakiin maan arag  wax kheyraad ah, waxaanse arkay isaga oo Kheyraadka dalka ku dhacaya jeebabka cidlo ah.!!


Sidoo kale, Buugu waxa uu leeyahay "dalkaygu waa dal Halyeeyo badan leh iyo ilbaxnimo sare– Balse Su’aasha Maskaxdayda ku jirtaa ayaa ah. ! Muxuu dalkayagu u yahay dal Faqri ah, halka dalalka kale ay horumareen. ?”


Ardaygii ayaa hadalkiisa ku soo Gunaanuday;  "Buugu wuxuu leeyahay, Dadka Dalkayga u dhashay way u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka,”  Laakin anigu ma aanan qaadan xaqayagii qofnimo ama muwaadin ee aan dalka ku lahaa.!!!


Hadaba,  Ma jecli in aan naftayda been u sheego, waana sababta aanan u qorin waajibka casharka Ustaadow,   sidaas darteed, kuma aanan qancin waxa aan ka aqriyay Buuga.


Macalinkii amakaag ayaa  ka soo haray. !!

Xigasho #Hussein Sahnuni

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...