Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Ansixiyey Sharci Ay Muransan Yihiin Dawlada Dhexe Iyo Maamuladu

0
Monday May 20, 2019 - 14:42:31 in News by
  • Visits: 1516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Ansixiyey Sharci Ay Muransan Yihiin Dawlada Dhexe Iyo Maamuladu

    Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Ansixiyey Sharci Ay Muransan Yihiin Dawlada Dhexe Iyo Maamuladu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Ansixiyey Sharci Ay Muransan Yihiin Dawlada Dhexe Iyo Maamuladu

 


Muqdisho(HWN):-golaha shacabka dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ansixiyey sharci ay maalmihii ugu dambeeyey ka doodayeen.


Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka doodayey xeerka shiidaalka oo ay u soo gudbisay dawlada federaalka ah kaas oo si gaar ah isha loogu hayey go’aanka ay ka qaadan doonaan.

Image result for golaha shacabka soomaaliya oo ansixiyey


Fadhiga maanta ee golaha shacabka oo ay ka soo xaadireen xildhibaano gaadhaya 154 ayaa cod gacan taag ah loo qaaday xeerka shiidaalka iyada oo ay ogolaadeen 150 xildhibaan halka ay ka diideen 4 isla markaana aanay jirin cid ka aamustay.


Dhinaca kale inta badan maamul goboleedyada ka jira soomaaliya ayaa cod midaysan kaga horyimid sharcigan ay golaha shacabku ansixiyeen isla markaana ay horkeentay dawlada federaalka ahi kuwaas oo sheegay inay dood ka qabaan qaar ka mid ah qodobada ku jira sharciga shiidaalka.


Sidoo kale, xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre oo dadaal galisay sharcigan ayaa soo maray marxaladdo kala duwan oo ahaa dooddo la xiriiray sharcigan oo ku soo beegmay xilli horraantii bishii February lagu qabtay magaalada London kulan lagu xaraashayay sahankii shidaal ee laga sameeyay Soomaaliya.

Loading...
Loading...