Abaal Ma Duugoobo libaaxa & Addoon.!

0
Thursday November 11, 2021 - 17:49:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Abaal Ma Duugoobo libaaxa & Addoon.!

    Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somaali

Beriba waxa jiri jiray Nin Addoona oo ka shaqayn jiray Qasriga Boqorka, kaas oo ahaa Boqor si xun oo arxan daran ula dhaqma Addoonka.



Ninkii Addoonka aha ayaa waxa ka tan badatay dhibtii lagu hayey waxana u go'aansaday marka in uu ka baxsado Qasriga oo uu Kaynta u cararo dib dambena aanu ugu soo noqon Qasrigan lagu Dulmiyey.


Hadaba Addoonkii waxa u suurta gashay in uu si dhuumasho ah uga baxsado Qasrigii oo uu Kaynta galo, Markii uu Addoonkii Kayntii gaadhay ayaa waxa uu arkay libaax aad u xanuunsanaya oo aan socodka awoodin, Aad ayaa uu uga naxay Libaaxi waxana uu ku eegay il Naxariis leh, In kasta oo uu Addoonku dareemayey Cabsi badan haddana inta ay Dhibtii Libaaxa haysay damaqday ayuu u soo dhowaaday dhankii libaaxa.


Ugu danbayntii Addoonkii waxa uu ogaaday in ay jirto Qodax libaaxa Cagta ka muday ayna ku taagan tahay aadna u dhibayso taasna uu ka socon kari wayey Libaaxu.


Addoonkii waxa uu go’aansaday marka in uu libaaxa qodaxda ka soo saaro, Waxana uu ku guulaystay in uu Qodoxdi libaaxa ku taagnayd ka soo saaro, Ka dibna Libaaxi ayaa iska dhaqaaqay aad yar isaga oo aan waxba yeelin Addoonkii, Aad ayaa uu u farxay Addoonkii waayo libaaxii waxba ma yeelin.


Balse Addoonkii waxa kayntii ka qabtay Ciidankii Boqorka oo Raadkiisa ku taagna, Mudo ka dibna waxaa lagu xukumay Addoonkii in isaga oo Gacmaha ka xidhan lagu rido Qafas uu ku jiro libaax la gaajaysiyey mudo sii uu u cuno Addoonka, Balse nasiib wanaag libaaxa qafaska ku jiray waa libaaxii Berigii hore uu cagtiisa Qodaxda ka saaray, Markaas aya uu libaaxii ku soo orday dhankii Addoonka balse intii aanu cunin wuu ursaday ka dibna  waa uu gartay waxana uu si naxariis leh u eegay Addoonkii, Isaga oo sidii xayawaan rabaayad ah xadhigii Gacmihiisa ku xidhnaa Ilkihiisa kaga jarjaray waxna muu yeelin ee wuu la ciyaaray Adoonkii. Boqorkii iyo Dad waynihii dawanayey dhacdada qof kastaa wuu ka yaabay muuqaalkan u arko, Boqorkii ayaa amray in la sii daayo Addoonka oo uu U sheego waxa uu libaaxa ku akhriyey, Markii u dhameyey Qisadii isaga iyo Libaaxa dhex martay ayey Dadkii Naxariistiisi hore ee uu libaaxa u sameeyey jecladeen, Cadawada Boqorkana naceen ilaa ay ugu danbayntii Xukunkii ka tureen Boqorkii naxariista darnaa iyaga oo badalkiisana Boqor ka dhigtay Addoonkii naxariista badnaa. Guntii Iyo gabagabadii waligaa wanaaga iyo samafalka ha yaraysan hana dhaafin xaal kasta oo aad ku sugan tahay.


Waayo wanaaga aad samayso marna illahay ma illaabi doono waxaana imaan doonta maalin uu illaahay wanaagi aad samaysay Abaalkiisa ku siiyo isaga oo laba jibaaran adoo u baahan jeerka.

 

Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somaali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...