"Doorka ay Dhalinyaradu Ku leeyihin Horumarka Dawladdaha "

0
Thursday November 11, 2021 - 17:46:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Doorka ay Dhalinyaradu Ku leeyihin Horumarka Dawladdaha "

    W/Q. Cabdale Gaaxnuug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q. Cabdale Gaaxnuug.

Doorka dhalinyarada wuxuu yahay dib u cusbooneysiinta iyo hagaajin ikhtiraacida fikir tolmoon oo leh, hal abuurka cusub, hal adayg adeeg, himilo wanagsan iyo hiraal mustaqbal oo laga filayo, inay ku horumariyaan teknolojiyadda hadda jirta sida dalalka India, Sinkabur, China, Malaysia, Japan uguga faa’idaysteen, waxbarashada, siyaasada, nabadeynta wadankaba.



Dhallinyardu waxay leeyihiin door muhiim ah, oo ay ka ciyaaraan horumarka dawlada ee ku aadan bulshada. Taas awgeed waxaan u baahanahay inaan ogaano, sababta dhallintu ay gaar u yihiin, maxaa yeelay iyagu waa itaal buuxa iyo aqoon wax ku ool ah, oo caqli gal ah sida aaminsanaantooda wadaniyadeed ee Wadanka. Iyaga oo leh tamar cusub, si fiicana u qaban karaan waxtarka koritaanka ee bulshada.


Dhallinyaradu waa dhag-xaanta dhidibada dhismaha, ee horumarka dhaqaalaha u dhaliya dalka, aqoontooda aya ku tabobarayan ama dhigayan xirfadahooda gaarka sida injineerada, dhakhaatiirta, maamulayaasha, macallimiinta, farsamada gacanta iyo dhowr awoodood oo kale.


Dhismaha qaranku waxa qaabeeyaa da’ayarta jiilalka susunka iskaga daba kacaya, oo noqda iftinka iyo aqoonsiga qaranka, ujeedaduna tahay mideynta dadka dalka gudahiisa ku nool, inay daganaadan siyaasad ahan, oo xasillooni mustaqbalka fog lahaadan.


Cududa cusub ee la soo kacaysa awooda muruq iyo maskaxba,waxa haboon in lagu bilqo yaraantooda barida cilmiga dunidu bahiyaheeda ku dabooshay, oo la dareensiiyo wixi dib u dhaca inay ka tagaan, kuna dhiiradan tartanka horumarka durugsan ee calamku dheefayo, la siiyo khidadaha kobcin kara noloshooda sida wadaniyadaynta, farsamada gacanta, kaabista waxbarashada, akhlaaqda ganacsiga iyo ogaansha wadajirka wadanka.


Waxa marag ma doona, awood siinta dhalinyarada inay gacan ka geysan karto ciribtirka saboolnimada ilaa heer la taaban karo, waxana u sahlaya xirfadaha ay ku qalabaysan yihin, oo u adeegsanayan inay ku raadsadaan quudkooda, taageran mujtamaca ka qatan xirfada cilmiga, hirgalin maalgashi iyo Ilo dhaqaale oo u soo kordha qaranka Somaliland, korna u qaada miisaniyada wax qabadka bulshada.


Gunaanadkii wadajirka dawlada Somaliland iyo da’ayarteeda dhalinyarada, ayaa Hogaansan, hourmarsan iyo horyaalsanba dhali doonta ee hala ogaado midnimada.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...