Qiso in lagu cibro qaato mudan...

0
Thursday November 11, 2021 - 11:34:21 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso in lagu cibro qaato mudan...

    السلام عليكم ورحمةالله وبركاته.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

السلام عليكم ورحمةالله وبركاته.


Ninka la yiraahdo Haruun Al-Khuraasani waxa uu ahaa nin dhallinyaro muslim ah, waxaana dhalay

Qoys wanaagsan oo saalixiin ah si aad u wanaagsanna way u koriyeen, waxaa uu ahaa nin masaajidka safka hore ka gala oo salaadda waqtigeeda ilaaliya.



Maalin ayaa waxa uu arkay xilli salaada maqrib ay taagan tahay dhalinyaro kubad ciyaareysa oo diidan iney masjidka galaan salaadana soo tukadaan markaas ayuu inta ka naxay is yirri bal walaalahaa salaada ugu yeer oo ha tukadaan markii uu u tagay ayay ku dhaheen sheekh wax yar baa inoo harey ee inoo yara kaadi intaan dhameysaneyno, kadib ayey israacen soona wada tukadeen.


Maalintii labaad ayuu hadana soomarey sidii oo kale ayuu ku yiri, ayagiina intii oo kale balse maalintaan way daahiyeen oo rakacada labaad ayuu kasoo gaaray,


Maalin saddexaadii ayey ku yiraahdeen bal anaguba jameeca nahaye halkeena nagu tuji bartii ayuu uga bixiyay salaadii oo tagtey cishihiina lasii galayo.


Maalin afaraadii ayeyba asigii tashkiiliyeen oo u wadeen halki ay aadi jireen salaad iyo warkeedaba daa, kadib ayaa aabihii oo wanaagsanaa garaacey kuna soo celiyay salaadii ilaa ay waayeen dhalinyaradii meel uu ka baxay wax la isweydiiyaba ugu danbeyn abihii ayaa tii alle u timid wuuna geeryooday.


Markaas kadib haruun wax uu toos ugu biirey dhalinyaradii waxana ay bareen wax waliba oo xun khamiri, daroogo oo dhan iyo inta xaaran ah ee lasameeyaba lakiin mushrik muusan noqon.


Wax sidaa ay wax ku socdaanba ayaa malintii danbe asaga iyo mid kale oo meel wada fadhiya la yirii magaalada ayaan gabdho inooga keeneynaa, gabdhihii sidii loogu maqnaa ayaa wax uu yiri waxaa la keenay gabdho ey walaashey ku jirto markii hore maan aarekeen ayuu yiri oo waan cabsanaa balse markii wax waliba dhamaadeen oo uu mid saxiibkey ahi walaashey wax waliba ku sameeyay ayay soo kacday oo i garatay way carartay mise haddan eegay waaba heblaayo markaas ayaan kii toorey caloosha ka galiyay oo dil ku geystay.


Danbiyada uu ilaa hadda markaas galay

1:salaadii wuu ka tagay.

2:khamrina waa uu cabey.

3:Dhiig islaamna wuu galay.


Waxa uu yirri waxaa soo galey bishii ramadaan makii uu dhamaaday soonkii ayaa habeenkii ayaadoo takbiirtii ciida la qaadayo ayaan soo galay gurigii hooyadey aniga oo cabsan oo khamrigu afkeyga kasoo Haadayo kadib hooyaday oo aad u carootay ayaa tiri tol beelay ma anigoo nool ayaa xoolihii hebel khamri lagu cabey ( Hebalku waa aabihiis) hooyo xanaaqii ayaa inta ka tanbatay ayay wax igaga dhufatay madaxa ayuu yirri haaruun.


Markaas ayaan inta xanuunsaday oo hooyo xooga dhardharbaaxay ayaan hadana is iri horta maxey malin waliba kuugu qeylisaa markaas ayaan inta foornadii rootiga la agtagay ku riday buu yiri inta isku jabshay oo ku dabooley ayada oo cabaadeysa oo hooyo hooyo leh managaranyo ficilka aan sameeneyo daroogada igu jirta darteed.


Kadib waan iska seexday ayuu yiri islaantiina ayadoo isku baaba'dey ayaa lagasoo saarey meeshii oo la aasay ayaa habeenki gurigii la iga saaray buu yiri.


Subaxdii danbe ayaaan iska soo quraac doontay markaasey islaantaydi habar iyo qeylo iyo habaar igala hortimid oo tiri iimaan laawe ma waxaad xaley sameesey ayaad waliba quraac iga rabtaa, naa maxaad leedahy oo xaley dhacay markaan waa caadi oo ma cabsana haaruun.


Waxa ay igu tiri buu yirri War soo adigii xalay hooyadaa dilay oo foornada ku riday oo waliba aad afka kaga dabooshey.


Waxa ku iri ayuu leeyahay maba ogi waxaas oo dhan halkaas ayaaan ku baraarugay oo garatey dhibka igaaray.


Halkaas marka uu xaal marayo ayaan ka cararey adoomadii illahahey oo dhan oo is iri bal illaahey iska caabud oo isku day inaad soo noqon karto, 39 jeer mar aan xajiyey ayaa imaamkii weynaa ee Maalik Ibnu Diinaar ayaa xajka yimiid oo markii xajikii uu dhemeystay oo maalintii carrafo la taagan yahay sidii uu u dueceysan ayey hurdo qabatay markaas ayaa waxa uu ku riyooday ayada oo la leeyahay inta ruux riyo ugu yimid dadka halkan taagan oo dhan ilaahey wuu u dhaafey qof mooyee imaamkii wuu naxay oo asaga ayuu mooday qofka lasheegayo inta boodey ayuu dawaafay oo gacmaha kor u taagay uu aad u baryay illahey haddna sidii oo kale ayuu hurdooday oo Riyadii loogu yimid makaasna lagu yirri Haruun Al Khuraasani maahne dadka inta kale waa loo danbi dhaafay hadde waa maalinta ducada banii aadamka oo dhan illaahey aqbalo weeye malinka carrafo.


Imaamki waxa uu yiri waan orday oo aan raadiyay wax farta la iigu fiiqay nin odey ah oo ooyaya cibaadeysanaya salaadna ku jira waan ag fariistay ayuu yirii ilaa inta uu salaada ka dhameeyo markii uu saladii ka baxay ayaan samaalay oo uu yirii.


Sheekadan ayaana dhex martay...

Haaruun: ma Maalik Ibnu Diinaar baa tahay?

Imaamkii: Haa.


Haaruun: maxaad dooneysay bal iiwrn ?


Imaamkiii: ninyahow arrin layaab leh baan arkey malaha sheydaan baa dhagaha iiga kaadsheye ninkaagan caabidka ah ee ceynkaas ah magiciisa intaan ku riyooday baa la igu yirri ninkaa mooyee illaahey inta kale waa aqbalay acmaashooda.


Haaruun: waa nasiib daro aan qabo oo 39 Jeer oo maantay ka horeysey ayaan halkan imidoo 39kii jeerba carrafa ruux baa inta ii yimid igu yirri adiga illaahey kuuma danbi dhaafin oo waan kugu riyoodey ee waa markii 40aad maaligow waaxa aad dhemeystireysaaye.


Markaas ayuu bilaabay inuu duceysto oo is dhuldhigo oo daciifnimo muujiyo aadna u ilmeeyo oo uu yirri illahow hadaadan adigu ii dhaafin yaa kale oo ii dhaafaya, illaahayow gaftaas waa iga dhacay jahli aan qabo ayayna igaga dhacday oo cilmi la'aan bey igaga dhacday,


Illahow hooyaday waxa aan ku sameeyey kas igama eynan aheyn ee sababta anigaa lahaa.


Maalik Ibnu Diinaar waxa uu leeyhay Mark aan asagii ka noqodey laguna jiro maalmihii ciida habeenadodi habeen kamid ah ayaan haddana riyooday oo la igu yirri Haaruun Al Khuraasani Illahay waa u dhaafay.


Dulucda sheekada waa in danbiba danbi kale kuu dhiibayo, Daroogaduna tahay wax aad u xun oo ka halis badan inteynu moodney nooc walba ha lahaatee, dhiiga qofkuna uu aad u daranyahay oo qaar saxaabada kamid ahi ey yiraahdeen towbad ba maleh waxaana sidaa yiri Ibnu Cabbaas RC.


Wixii qalad ah naftayda iyo sheydaan bey ka ahaadeen, wixii saxanna Alle SW xagiisa ayay ka ahaadeen.

Xigasho: Dr. Sh Cali Maxamed Sh ismaaciil

Muxammad Deeq


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...