Qeybta (1) Sadaqo Maal Ma Yareyso

0
Thursday November 11, 2021 - 09:23:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeybta (1) Sadaqo Maal Ma Yareyso

    Salaax bin caddiyah ma jecleyn inuu warbaahinta ka soo muuqdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaax bin caddiyah ma jecleyn inuu warbaahinta ka soo muuqdo



Sallaax bin caddiyah wuxuu degganaa tuulo ay dad sabool ah degganaayeen oo ku taalla waqooyiga Masar.


Isaga iyo siddeed ka mid ah Saaxiibadii ayaa go'aan saday inay furaan mashruuc xannaanada digaagga ah.



Mashruuca waxay ku kharash gareeyeen 200 oo jineeh oo u dhiganta 12$ dollar oo keliya.


Salaax bin caddiyah oo mashruuca madax ka ahaa wuxuu go'aan saday inuu dadka saboolka ah saami ka siiyo faa'idada mashruuca, 10% lacagta faa'idada ah ayuu bilaabay inuu siiyo dadka faqiirka ah.


Sadaqo maal ma yareysee Mashruucii waa uu guuleystay, bilooyin yar kadib faa'idada mashruucu waxay gaartay malaayiin juneeh, mar walba oo ay faa'idada sii badato waxaa sii badanaayey Lacagta uu sadaqo ahaanta u bixin jiray.


Mashruucii cirka ayuu galay, markii hore wuxuu ahaa mashruuc xannaanada digaagga ku kooban balse wuxuu isku beddelay mashruuc xannaano xoolo iyo beero waaweyn leh.


Waxaa u suurta gashay sallaax bin caddiyah inuu tuulada ka dhiso dugsiyo Lacag la'aan ah oo ay wax ku bartaan kummanaan arday. Sidoo kale wuxuu tuuladiisa ka dhisay jaamacaddii ugu horeysay oo ay dhigtaan 1600 oo arday.


Tuuladdiisa wuxuu u sameeyey waddo tareen, wuxuuna shaqaaleysiiyey kummanaan dhalin yaro ah oo shaqo la'aan haysay.


Sidoo kale wuxuu sameeyey xafiis ay ka diiwaan gashan yihiin dadka saboolka ah ee tuulada deggan, iyo caruurta agoonta ah kuwaasoo bil kasta Lacag noloshooda ku filan ka qaadan jiray xafiiska.


Salaax bin caddiyah ma jecleyn inuu warbaahinta ka soo muuqdo, maadaama uu shacbiyad weyn haysto dhowr jeer ayaa lagula taliyey inuu xildhibaan-nimo isu sharraxo balse wuu iska diiday.


Alle ha u naxariistee Sanadkii 2016 ayuu geeriyooday, janaasadiisana waxaa ka soo qeyb galay 500,000 qof.


Mushaarka aad qaadato haddii aad 10% sadaqo ahaan u baxsato si joogto ah, intaas iyo kabadan oo faa'idada waad helaysaa, dad badan oo sabool ahna baahidooda waad dabooli karaa, ee haddaba aan bilowno Insha allaah.


Qalinkii : Mustaf Awil Hassan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...