Caabuqa Ku Dhaca Mindhicirada Iyo Duburta (Ulcerative Colitis).

0
Wednesday November 10, 2021 - 10:16:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caabuqa Ku Dhaca Mindhicirada Iyo Duburta (Ulcerative Colitis).

    W/Q:Sadam Osman Kaabash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Sadam Osman Kaabash

Ulcerative colitis: macno ahaan xanuunkani waa caabuq ku dhaca mindhicirada, kaas oo ku soo ifbaxa wakhti dheer. Xanuunkani wax uu ku dhacaa mindhicirada weyn(large intestine). Waana meel lagu ururiyo  hadhaaga dheefshiidka, ugu danbayntana biyaha laga ga saaro. Rectum-kuna waa qaaybta xidhiidhisa duburta iyo mindhicirada weyn. Sidaas oo ay tahay qofka ka cabaanaya xanuunkan ulcerative colitis, waxa uu dareemaa calool xanuun, shuban iyo duburta oo dhiigta. Iyada oo ay ku xidhantahay kolba heerka uu taaganyahay xanuunku, iyo sida uu ku yahay qofka. Intabadana xanuunkani waxa uu ku koobanyahay rectum-ka oo la jaar ah duburta.



 Maxaa keena?

Aad looma yaqaano waxa saxda ah ee keena xanuunkan, laakiin xeel-dheerayaasha caafimadku waxay aaminsanyihiin in habka difaaca jidhku kaalin weyn ka qaato inuu xanuunkani yimaado. Taas oo imaanaysa marka jidhku uu hawlgeliyo unugyadiisa difaaca inuu isaga is duqeeyo. Waxaana la'aaminsayhay in xanuunkani yahay mid la kale dhaxlo oo ku yimaada hidda=sidayasha ka soo gudba hooyada iyo aabaha.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...