Soomaalilaan Way Ku Hagaagsanayd In Ay Iska Fogeyso Afwerki Iyo Saaxiibbadii.
Bashiir Tarabbi Oogle,
Maanta waxaa bariga Afrika laga cuudinayaa siyaasaddii Maraykan isu
ekaysiinta ahayd ee uu hormuudka ka ahaa Abiy Ahmed. Siyaasaddan oo
ujeedadeeda ugu weyni ahayd sidii uu guluf taageero ugu heli lahaa
cadaawadda uu u qaaday amar diidada iyo isla weynida Tigreega.
Hoggaamiyayaashii uu islahaa waad kasbatay, waxaa ugu weynaa
madaxweynaha budh la duulka ah ee Eretriya oo isaguna dantiisu ahayd mid
uu markiiba ku guuleystey, ahaydna sidii ay Iitoobiya ugu hor kici
lahayd wadamada IGAD in ay reer galbeedka kula dacwiyaan in cuna
qabataynta laga qaado.
Waxaa isagana si bilaash ah sawirka loogu galay madaxweynaha
Soomaaliya ee iminka maqaar saarka ah, mudane Farmaajo oo isagu la
wadaagi jiray labadaa madaxweyne sheekooyin aan qosol dhaafsiisnayn " ma
u ekahay Xabashi shaarubo leh? iyo Jeberti baanu wadaagnaa Afwerki. "
Raysalwasaare Axmed wuxuu qiimayn kari waayey khasaaraha iyo
faa'iidada, ta ay ugu badinayso la rafiiqidda Madaxweyne Afwerki, waana
ta maanta doogteedii ladhka iyo xanuunka ku hayso. Xukuumadda
Soomaalilaan si wanaagsan ayay u qiimaysay ugana go'aan qaadatay qar
iska xoorka iyo siyaasaddii xiinka waalayd ee Abiy ku dhololayey.
Iminkana, Soomaalilaan waa in ay ku dadaashaa sidii ay tashi wada jir
ah u wada yeelan lahaayeen maamulka Soomaalida Iitoobiya iyo madaxda
Jabbuuti ee ay dan wadaagta yihiin.
Bashiir Tarabbi Oogle,
Burco, Soomaalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...