Waxyaabaha Garta lagu waayo

0
Wednesday November 10, 2021 - 09:16:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyaabaha Garta lagu waayo

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Afar arrimood ayaa garta lagu waayaa, waxayna kala yihiin:

1. Af-waa (hadal-garanwaa)

2. Habrasho (dhiirasho la’aan)

3. Cadayn la’aan

4. In lagaa eexdo



Faahfaahin:

1. Af-waa (hadal-garan-waa): waa qofka oo garan waaya qaabka iyo hadalka uu ku sharraxayo doodiisa, markuu joogo goobta loogu garnaqayo qofkay is-hayaan. Guud ahaan dadku isku mid maaha waa tii la yidha” illaahayna la kala baryi og hadalkna la kala odhan og”. Maaha shay khasab ah inaad hadalka taqaano oo aad ku qarnaqsad weydo. Waxa hore u dhici jirtay qofkii aan hadalka aqoonini inuu soo kaxaysan jiray qof uu gartiisa u dhiibto oo soo wakiisho, una hadla. Nimanka garta qaadaya ayaa hubinaya inaad soo wakiilatay iyo in kale. Laakiin haddii aad garta gasho adigoon hadli karayn waa lagaa gar heli.


2. Habrasho (dhiirasho la’aan): abuur ahaan waxa jira dad aan dhiiran markay wax sheegayaan. Waa arrin khatar ku ah qofka garnaqsanaya inuu muujiyo dhiirasho la’aan. Haddii uu hadalka iyo wixii uu tirsanayey si cad u soo bandhi kari waayo, waxay taasi ku keenaysa in dadkii garta qaadayey kuu fahmaan qof aan wax weyn tirsanayn, oo wuxuu sheegay noqdaan arrin aan cuslayn. Dhinicii kaa soo horjeedayna wuxuu soo bandhigayaa dhiiranaan iyo hadalo cad oo uu ku xoojinayo gartiisa.


3. Caddayn la’aan: marka garta hoos loogu daadago amma gunta loogu dhaco, waxa la weydiiyaa kuwa is-haya inay soo bandhigaan wixii caddayn ah ee ay haystaan. Ka dib waxa la falanqaynayaa siday cadaymuhu u kala mihiimsan yihiin. Hadaba qofkii goobta keena caddaymo lagu qanco oo xooggan ayaa helaya garta. Haddii uu keeni waayo wax caddayn ahna, waa laga gacan sarayn doonaa.


4. In lagaa eexdo: way dhacdaa in mararka qaarkood lagaa eexdo, oo lagagu jiifsado. Cadaaladdaradu way ka jirtaa meel kasta, qof kastana wuu la kulmi karaa in laga eexdo, isagoo garta leh. Eexdu waxay ku xidhan tahay cid garta qaadaysa, ee qofka laga eexdo kuma xidhna. Markaa haddii laga eexdo waad ku gar waayi kartaa. Laakiin qofka laga eexay, waa inaanu ka hadhin intii awoodiisa ah, oo uu soo bandhigaa eexda lagula kacay.


Tixraac: C/salaan Caaradhuub.........Garta Dhaqanka.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...