Keeba Khaldamay Labooda.?!

0
Tuesday November 09, 2021 - 09:39:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Keeba Khaldamay Labooda.?!

    Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somaali

Beri baa waxaa jiri jiray Nin Wanaagsan oo Wanaaggana jecel.

Ninkani waxa u aha nin Hantiile ah waxana uu Hantidiisa ku bixin jiray Dariiqa Alle.



Waqti waqtiyada ka mida ayuu Ninkii Ceel u qoday Dad Tuulo kale ku noolaa si ay uga cabbaan Ceelka, Waayo Ceelka kaliya ee Tuulada ku yaalay waxa uu aha mid aad uga fog Tuulada. Dadkuna waxay u lugayn jireen Ceelka Masaafo aad dheer oo ay dhib iyo kadeed kala kulmaan. Ninkii Hantiilaha ahaa waxa uu Dadkii u qoday Ceelkii. Balse nasiib daro Maalintii ugu horaysay ee Biyaha Ceelka la cabi laha Dadkii waxay arkeen in Ceelkii wasakhoobay Isla markaana aan laga cabi Karin. Arinkii ayey si deg deg ah Ninkii Wanaagsanaa ugu shegeen, Iyaga oo uga waramay wixii ay Ceelka ku arkeen Wasakh oo aanay ka cabbi Karin Ceelkan u qoday.


Ninkii ayaa Dadkii ku yidhi "Lacagtan qaada oo Ceelka Wasakhda kaga nadiifiya ka dibna ka caba Xoolahana ka waraabsada Beerahana ka biyeysata.”


Sidii ayey sameyeen Dadkii Tuuladu balse hadana Maalintii dambe ayey Dadkii arkeen Ceelkii oo Wasakhoobay mar kale oo uu Qof Wasakh ka buuxiyey Xalay.


Haddana aanay ka cabbi karin Ceelka Xoolana ka waraabsan karin Beerna ku beeran Karin isla markaana aanay garanayn cidda wasakhaynaysa Ceelkan sida samafalka ah loogu qoday.


Ninkii Wanaagsanaa ayey u tageen mar kale waxayna u shegeen waxay ku arkeen Ceelka.


Markaasu Ninkii ku yidhi "Ha werwerina lacagtan qaata oo Ceelka Wasakhda kaga saara oo ku nadiifiya Caawana Ceelka ku ag dhuunta oo cidda waxan samaynaysa soo ogaada laakiin waxa aragtaan xogtooda qariya oo Qofna ha u sheegin aniga mooye si aynu dhibta sii wanagsan ugu xalino.”


Dadkii way dhuunteen Habeenkii si ay u ogaadaan cidda Ceelkooda Wasakhaysa, Arrinta yaabka ku noqotay Dadkii waxay ahayd: Qofka Habeenkii Ceelka wasakheeya waa Ninka Wanaagsan inna adeerkii.!


Markaasay Dadkii u tageen Ninkii Wanaagsanaa waxayna u sheegeen in Qofka Ceelka wasakheeya Habeenkii uu yahay innaa adeerkii.


Ninkii isaga oo yaaban ayuu yidhi "ceebey tacaal ma inna adeerkaybaa cidda Ceelka wasakhaysa.”?! Dadkiiba ku yidhi haa waa isaga.


Markaas aya waxa uu ka codsaday Dadkii in aanay cidna u sheegin arinka oo ay lacagtan qaadaan oo ku nadiifiyaan Ceelka sidii hore oo kale, Dadkiina waxa ay sameeyeen wixii uu ka codsaday, Markaas ayey haddana Ceelkii nadiifiyeen mar kale ilaa uu noqday mid laga cabbi karo.


Habeenkiina waxa u aaday Ninkii Wanaagsana Gurigi inna adeerkiisii Ceelka wasakhayn jiray.

Inna adeerkiina waxa uu aha mid danyar ah oo Dadka ka iibiya caanaha Hal Sac oo uu lahaa si uu nolosha Qoyskiisa ugu mareeyo.


Isaga oo u sida raashin badan, lacag iyo hadyado qaali ah oo uu ugu talo galay isaga iyo Xaaskiisa iyo sidoo kale Caruurtiisa, kadibna waxa uu garacay Albaabka Gurigiisa isaga oo ku leh waa inna adeerkaa ee Albaabka iga fur.


Albaabkii ayaa waxa ka furay inna adeerkii, Ninkii wanaagsanaa ayaa salaan ka dib ku yidhi "iga raali noqo Xaqaagii waan ku fashilmay oo muddo dheer kuma soo booqan wax Xoolo ahna kuma anaan siin ee ii cafi fadlan hadyadahana iga gudoon”. Intaas ka diba waxa uu bilaabay in uu uga sheekeeyo ciyaalnimadoodi iyo markii ay wada ciyaari jireen caydinimadii. Isaga oo aan Marna u sheegin in uu isagu Ceelka wasakheeyo taas badalkeeda wuu karaameeyey oo waxa uu siiyey Boorsooyin Lacag ah iyo Hadyado qaaliya, ka dibna wuu ka tagay inta uu si fiican u macasalameyey isaga oo u balan qaaday in wixi hada ka danbeeya uu khaladkiisa sixi doono.


Dabadeedna Ninkii Wanaagsana waxa uu la kulmay Dadkii Tuulada waxana uu ku yidhi si wayn Ceelka u nadiifiya Dadkii ayaa bilaabay nadiifinta Ceelka waxana kala soo qayb galay Dadkii nadiifintii Ceelka markan inna adeerkiisii Ceelka wasakhayn jiray.


Isaga oo halkaa ka sheegay in uu isagu Ceelka wasakhayn jiray oo uu sameyey khaladkan wayn, sabatuna ay ahayd in Inna adeerkii oo ogaa in uu yahay Nin Miskiina oo u baahnaa tageero in anuu inna adeerkii waxba siin jirin marna isna aanu waxba cid weydiisan jirin taas badalkeeda uu inna adeerkii Ceelal ka qodayo meelo kale isagana aanu lurka gaajada ka rogi jirin marna.


Laakin markuu wanaaga sameeyay ee uu tagay gurigiisa oo uu u sheegay in uu jecel yahay khaladna ka galay wixii uu u baahnana siiyey isna uu nacaybkii iyo xumaantii naftiisa ka saaray oo uu wanaag ku bedelay khaladkiisiina u qirtay markii uu inna adeerkii khaladkiisa qirtay.

Nuxurka sheekhadan ku jirta waxaan u dhaafay Akhristayaasha.

Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somaali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...