"Gobta Iyo Farduhuba Way-qiiro Ooyaan".

0
Tuesday November 09, 2021 - 09:26:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Gobta Iyo Farduhuba Way-qiiro Ooyaan".

    W/Q: Muniir Axmed Cigaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muniir Axmed Cigaal

Amarka Alle waxa la ogaaday Rer Nabi Aadanka Adduunka camiray ee Raxmaanku abuuray Gobta oo kaliya ayuu Qalbigoodu qiirooda. Saalixiinta Waliyada Alle ahi Gobta Aadamaha ayay kamid yihiin, Munaafiqiintana  Qalbiyadoodu kuwo qalalanweeye sida Diinteenu inoo sheegtay, Gunta Bini-aadamka ayay qayb ka noqonayaan. Xildhibaan Maxamed Abiib waxaan kamid ahay Dadka ay isugu dhawyihiin Xisbiga Waddani wakhti xaadirkan, in badan waxaan arkay iyadoo lagu tilmaansanaayo "Xildhibaanki doorashada Ooyay”.



Ammaan ayay maagis moodayaan, Ruuxa Gobta ah, Fariid dhaafka ah ayuu Qalbigiisu ooya, Nacasku maba ooyo Gocorka aan Qalbigiisu qoyanayn ee qiimaha wuxuu helo, wuxuu higsanaayo Adduun iyo Aakhiro midna la muraqoon isna ma ooyo. "Gobta iyo Farduhuba  way Qiiro Ooyaan”.  Qiimayntayda Golaha Wakiilada ee cusub Xildhibaan Maxamed Abiib iyo in badan oo dhalinyaro ah oo ku jira Golahaas waxay shanta sanno ee la doortay noqon doonaan kuwo tariikh cusub sameeya waa hilaadintayda oo ku dhisan u kuurgalid iyo daraasayn ka dheer cid jeclaysi iyo necbaysi adna taadu ku furan.


Tusan.

Muniir Axmed Cigaal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...