BAKAYLAHA

0
Tuesday November 09, 2021 - 08:55:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAKAYLAHA

    Mayeedhaan Magazine.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mayeedhaan Magazine.

Bakayluhu waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordata) gaar ahaan bahweynta Naasleyda yaryar (Mammalia). Sidoo kale waxay ku jiraan qoyska hoose ee noolayaasha yaryar ee leh dhagaha waaweyn iyo foolasha (Leporidae). Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Oryctolagus cuniculus). Bakayluhu waxa uu badanaa kunool yahay dhulalka kaymaha, saxarraha iyo dhulka cawska leh, inkastoo laga helo qaaradaha adduunka oo dhan, balse hadana bakayluhu asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Jaadadka bakaylaha ee aduunka kunool waxaa lagu qiyaasaa 29 nooc, kuwaas oo ku kala duwan dhanka midabka iyo xajmiga. Waxaa jira xayawaan ay aad isugu dhaw yihiin bakaylaha oo looyiqaano (Hares) kaas oo xajmi ahaan kaweyn, dadka qaarna ay isku khaldaan.



Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqaanna (Rabbit), Carabidana (ﺃَﺭﻧَﺐ). Afka soomaaligana Bakayle. Cimriga bakayluhu waxa uu gaadhaa sanad ama laba sano, halka bakaylaha la xanaaneeyaa uu noolaan karo sideed sano, dhererkiisuna waa 20 ilaa 46 sentimitir. Halka uu culayskiisuna gaadho 2.7 kiiloogaraam. Sidka bakayluhu waa 31 maalmood, ilkihiisuna waa 28 ilkood. Sidoo kale waxa uu leeyahay 44 hiddo-side. Bakayluhu waxa uu maraa sadeex habmeerto nololeed kuwaas oo kala ah bakayle dhal ah, mid dhexdhexaad ah iyo qaangaadhnimo, bakayluhu ma dhalo beed ee waxa uu dhalaa noole yar oo u eeg, isagoo halkii mar dhala tiro udhaxaysa 1 ilaa 12 ilmood. Bakayluhu ilmihiisa waxa uu ku koriyaa caanihiisa, iyadoo ta dheddig leh afar naas. Waxaana uu caan ku yahay socodka boodboodka ah, balse caadi ahaan orodka saacadii waxa uu jari karaa 56 kiiloomitir .


Bakayluhu waxa uu badan quutaa waxyaabaha kasoo jeedaa dhirta (Herbivore) gaar ahaan fiidadowga hore ama cadceed dhaca, sidoo kale wuxuu kamid yahay xayawannada leh dhiigga diirran, iyo kuwa leh halka calool (Monogastric). inta la diwaan geliyay ma jiraan xanuuno halis ah oo uu bakayluhu dadka u gudbiyo ama laga qaado cunida hilibkiisa, waxaana uuna ku jiraa noolayaasha leh hilibka cad sida kalluunka iyo digaaga oo kale, kaas oo qani ku ah macdano badan. Sidaan wada ognahay hilibka bakaylaha soomaalidu berrigii hore waxay ku dawayn jireen cudurka kixda kaas oo ku dhaca habdhiska hawo mareenka dadka. Ugu danbayntii Cunida hilibka bakayluhu waa xalaal siday isku raacsan yihiin culimada islaamku.

"Bakaylaha sidiisaan, Bur-caleen leh seexdaa"

[email protected]

Mayeedhaan Magazine.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...