NIBIRIGA.W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

0
Monday November 08, 2021 - 09:20:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 810
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NIBIRIGA.W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

    Mayeedhaan Magazine.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mayeedhaan Magazine.

Nibirigu waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda lafdhabarleyda ah (Chordate), gaar ahaan bahweynta Naasleyda (Mammallia). Sidoo kale waxa uu ku jiraa xayawaanada laba suulleyda ah (Artiodactyla), qoyska hoose ee Nibiriyada (Cetacea) kuwaas oo ay kuwada jiraan Nibiriga iyo Hoombarada. Nibiriga ugu horeeyay adduunka waxaa lagu dul arkay muddo qarniyo ah ka hor, Nibirigu waa sida kalluunka oo kale noolayaasha aan berriga kunoolaan karin oo waxa uu kunool yahay bada (Aquatic animals). Noocyada nibiriga ee adduunka kunool waxaa lagu qiyaasaa ilaa iyo sagaashan nooc oo nibiri ah, kuwaas oo badanaa laga helo shanta badood ee waaweyn (Oceans water). Cilmiga barashada Nolosha Nibiriga waxaa looyiqaannaa (Cetology). Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (whale), Carabidana (حوت). Afka Soomaaligana Nibiri ama Nimiri.



Cimriga nibirigu waxa uu gaadhaa 20 ilaa 40 sano, inkastoo ay ku xidhan tahay nooca uu yahay qaarkood ayaa noolaan kara qarni ama ka badan, dhererkiisuna waa 25 ilaa 26 mitir, halka uu culayskiisuna gaadho 190,000 ilaa 150,000 kiilloogaraam. Waxaana uu leeyahay 48 hiddo-side iyo 240 ilkood, marmarka qaarna ka badan. Nibirigu ma dhalo beed balse wuxuu dhalaa noole yar oo u eeg, waxaana uu ku quudiyaa caano oo waxa uu leeyahay laba naas, isagoo kuna qaangaadha 6 ilaa 10sano. Sidka nibirigu waa 11 bilood, Nibirigu waxa uu kamid yahay noolayaasha hilib cunka ah ee kunool badaha, gaar maalintii inkastoo ay qaar kamid ah nibirigu habeenkii wax ugaadhsadaan, sidoo kale waxa uu ku jiraa xayawaannada leh dhiigga diirran. Nibiriga caalamka kunool guud ahaan waxaa looqaybiyaa laba nooc mid ilko waaweyn leh iyo mid ilko yaryar leh. Caadi ahaan Saacadii waxa uu jari karaa 50 kiiloomitir.


Nibirigu waa xayawaanka ugu weyn noolayaash arlada kudul nool, waxaana uu kamid yahay xayawaannada uu alle qur'aan inoogu sheegay, kaas oo lagu imtixaanay Nebi yoonis. Inta la diwaan geliyay badanaa dadka ma laayo mana cuno nibirigu. Qiyaas ahaan Nibiriga aduunka kunool waxa lagu qiyaasaa 75,000 kun oo xabo, kaas oo badankiisa laga helo Waqooyiga badweynta Baasifiga. Mataga nibirigu waxa uu suuqyada adduunka ka jooga qiimo sare, iyadoo loo isticmaalo ka samaynta cadarada iyo dawooyinka qaar, halka ay saxarada nibirigu faa'iidooyin badan u leedahay noolayaasha kale ee bada kunool. Nibirigu wuxuu ku jira xayawaannada u kala gudba qaaradaha fogfog ee adduunka (Migratoty animals),  kaas oo ka ganacsigiisa caalamka laga mamnuucay sanadkii 1987dii, Ugu danbayntii cunida hilibka nibirigu islaamku wuu xalaaleeyay, haddii uu dhinto iyo haddii uu nool yahayba, sida laga soo weriyay Nebi Muxammed (Scw).

Mayeedhaan Magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...