Aragtida Kala Go'a Somaliland iyo Soomaaliya.

0
Saturday November 06, 2021 - 09:07:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aragtida Kala Go'a Somaliland iyo Soomaaliya.

    W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

Haddii aad tahay qof Soomaali ah, oo aad qalinka u qaadato sidii aad ummaddaada ugu iftiimin lahayd wixii wanaag ah, ugana wacyigalin lahayd wixii xumaan ah. Gaar ahaana aad u holoto sidii aad toobiyaha saxda ah ugu ridi lahayd; qalooca iyo dilaaca xididka baydhay ee ay ka murkacatay dawladnimada Soomaaliya ama kala go'a Soomaaliya: waxa kuu soo baxaya waydiimo dhawr ah oo ku salaysan xaqiiqada iyo dhabta ay tahay in la wajaho, haddii kale oo aan dhabta si toos ah loo abbaarina waxa lagu jiri doonaa sidan aynu ku jirnay mudada dheer ee nus qarniga ku dhaw. Taas oo ah kala tag iyo tafaraaruq baahsan.  Hayee, haba la kala tago'e ma la helay laba dawladood oo ka kala arimiya Koonfur iyo Waqooyi, kuwaas oo danaha dadkooda hantay, isla markaana u adeegay sidii looga baahnaa?, jaawabtu waa maya.

 

1. Dadka aaaminsan midnimada, ma ii sheegi karaan faa'idada ku jirta midnimada?.

2.Taas bedelkeeda dadka ku barbaaray ee aaaminsan gooni isu-taaggu ma ogyihiin macnaha iyo midhaha gooni isu-taagga Somaliland u leeyahay?.

 

3. Ma haboon tahay in gooni isu-taagga Somaliland looga olloleeyo Xamar?.



4. Waxa jira is diidooyin waawayn oo ka kala jira Somaliland iyo Soomaaliya. Ma ogtahay mise waad moog tahay?.


5. Midnimadu Somaliland iyo Soomaaliya; halkee ayay ka dhawdahay?.

 

6. Dawladda Somaliland waligeed ma isku dayday in ay Soomaaliyada Koonfurta faragalin toos ah ku samayso oo ay marka ay doorasho ka dhacayso; Xildhibaanada soo baxaya qaar ka mid ah la soo baxdo?. Si ay hadhaw ugu olloleeyaan Agendaha gooni isu-taagga Somaliland iyo xal u helista aqoonsi raadiska Somaliland.


7. Waxa jira tabashooyin iyo god-daloolooyin waawayn oo ka jira nidaamka iyo maamulka dawladda Somaliland?. Kaas oo ay tabanayaan beelaha dega Somaliland qaar ka mid ahi, waa beelaha darafyada'e.


8. Madaxda ka kala talisa Somaliland iyo Soomaaliya; maxa u diiday in uu mid waliba mida kale ay faragalin toos ah iyo mid dadban ba ku samayso?.


9. Maxa Soomaaliya mar kaliya loogu dooran waayay madaxwayne beelaha Dir ka soo jeedda?. Caqabaddu ma xaga Somaliland bay ka haystaa beelaha Dirka in ay madaxwayne noqon waayaan mise qorshe kale oo aan la shaacin baa jira oo dadka ka dahsoon?.


10. Soomaalidu 10 sano ee inagu soo foodda leh; tolow sidee ayay u eekaan doonaan?.

 

*Dhinaca Soomaaliya*:

 

Soomaaliyada koonfurta qabiilada ugu waawayni waa Daarood iyo Hawiye. Haddaba haddii ay mid ka mid ah labadaa qabiil oo markaa hoggaanka dalka Soomaaliya hayaa uu ku dhiirado midnimo keenisteeda iyo ka midha dhalinta wada hadallada labada dhinac iyo ka guul gaadhistooda; Waxa xanaaqaya midka kale ma og tahay mise waad moog tahay?.

 

Taa beddelkeeda haddii labada qabiil mid ka mid ah uu ku dhiirado saxeexa gooni isu-taagga Somaliland; Waxa xanaaqaya midka kale. Halkaana waxa ka bilaabmaya dagaalo iyo colaado hor leh oo dhex mara labadaa qabiil ee waawayn. Iyo waliba googo'a iyo u kala qaybsanka dawlado yaryar oo koonfurta Soomaaliya ah.

 

*Dhinaca Somaliland*:

 

Dhinaca Somaliland: waxa ka jirta tan oo kale oo waxa jira dano, ujeedooyin iyo is diidooyin iska soo horjeedda oo la mid ah ta ka jirta koonfurta Soomaaliya. Inkasta oo ay Somaliland wada degaan beelo isku sar go'ani marka laga reebo beesha dhexe oo u badan Somaliland.

 

Sidoo kale waxa kala shakisan oo qoloba qoloda kale ay u dabaal joogtaynaysaa in ay iyagu ku guulaystaan midnimo waxtar leh oo qawaaniin iyo awood qaybsi ku qotonta. Ama madax banaani iyo aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland dunida kale kaga mid noqoto. Waxa jira is eegatooyin is eeganaya oo mid ba midka kale uu is leeyahay yaanu sidaa samaynin. Taas baa waxa ku dhex dhintay oo lagu dhex aasay rajadii iyo mustaqbalkii ummadda reer Somaliland gaar dhallinyarada. 

 

Haddaba, xalka iyo xaragadu ma dhawa ee waxa ay dib'jir iyo dibbood ku tahay maskaxda iyo maanka ay buulka iyo xuubka caaradu ku xidhantay ee Soomaalida gaar ahaana; aqoonyahan, waxgaradka iyo dhammaanba qof kasta oo Soomaali ah, isla markaana madaxiisa diir saaran yahay. Ilaa khubarro Soomaaliyeed meel lagu xareeyo oo lagu xooleeyo isla markaana la hordhigo waydiimaha kor ku xusan iyo kuwa kale oo maankiina iyo madaxiinu xanbaarsan yahay ba. Ma haggaagi doonto Soomaalidu waxa ayna ahaan doontaa sida ay maanta tahay iyo si kale oo kasii daranba; haad iyo haadraaweba way usii jabnaan doonaan.

 

Waxa ayna noqon doonaan waxa ay qolyaha qashin qubka iyo xashiishka ka ganacsadaa ugu yeedhaan "Qashin Quutayaal", taas oo afka qalaadna lagu yidhaahdo; "Scavengers ". Haddaba, waa maxay qashin quutayaashu?, waa xayawaanada kala du'duwan ee usoo qadhaabsi taga godadka iyo meelaha Magaaloooyinku qashinka iskaga nidaamiyaan ee aan nadiifta ahayn ayaa la yidhaahdaa "Qashin Quutayaal ama "Scavengers". Haddaba, ma rumaysan kartaa in dadkuna ay noqdaan "Scavengers", oo ay meeshaas naf iyo naruuro moodaan?. Haa, taas na waxa keenaysa dawlad la'aanta iyo hoggaan xumaanta baahsan ee oodda jabsatay ee sida ba'an u biyo dhigtay Soomaalida meel ay joogtaba.

 

"Ilaahayoow Eex ma tiraabine, aqoon ha igu cadaabin".

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...