Ila Qosol, C/llaahi Maxamed Cumar

0
Saturday November 06, 2021 - 08:55:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, C/llaahi Maxamed Cumar

    Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Xilli ku beegnaa bilowgii 1960 naadkii, ayay dhallinyaro Soomaaliyeed waxbarasho ka heleen dalka Ruushka oo markaasi loo yaqaanney Midowga Soofiyati.



Ardaydii markii ay dhawr sannadood waxbarashadii ku maqnaayeenna, way soo dhammaysteen oo dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliya la odhan jirey ayay ku soo laabteen.


Haddaba, mid raggii soo noqday ka mid ahaa; ayaa la soo degey gaadhi yar oo dalkii Midowga Soofiyatiga lagu samayn jirey oo  Foolge loo yaqaanney. Ninkaasina wuxu caado u lahaa, marka uu gaadhiga kaxaystaba, sida caadiga ah ayuu suunka gaadhiga xidhan jirey.


 Ninkii oo baabuurkiisa iska wata oo aanay ka qasnayn oo shaqaysta, ayuu nin ay ilma-adeer ahaayeen oo reer miyi ahi magaalada yimid oo u ninkii  wax u soo doontay! 


Ninkii reer baadiyaha ahaa wuxuu la kulmay, ina-adeerkii oo suudh xidhan oo gaadhigii suunka u jiitey - ishiisuna qurux badan tahay! Dabadeedna, markii ninkii isku sheegay; ayuu gartay waanu waraystay. Toloow miyuu wax siiyey??Markii ay iswaraysanayeenna, kolley hadalo reer magaal oo Okey ka mid tahay, ayuu waraysigii dhex wadey.


Haddaba, markii uu ninkii miyigii ku laabtay; ayaa laga waraystay xaaladda uu ku soo arkay ina-adeerkiisii soo degey. Ninkii oo reerihii uga warramaya; xaaladda uu ninkii ku soo arkay; ayaa yidhi, "  Wallaahi ishii may xumayn oo inaga aawan (qurux badan), laakiin laba xaalaba waan ku soo arkay:


  • waa ta koobaade, moodhadh (gaadhi) uu watey wuu ku xidhxidhnaa oo cayn (suun) ayaa gaadhiga ugu xidhnaa

  • Waa ta labaade, hadalo aan garan waayeyna wuu ku hadlayey!!"


Markii ay dadkoodii warkaasi maqleenna, waxay u qaateen; in inankii dibaddii iyo badihii uu ka tallaabay uu ku soo waashay! Waxayna waalida ka macnaysteen, warkii uu ina-adeerkii keenay ee ahaa: gaadhi buu ku xidhxidhnaa iyo hadalo aan garan waayey, ayuu ku hadlayey!!!
Dabadeedna, inta xoolo la qalay; ayaa Ilaahay loo beryey - inuu caafimaadkiisii u soo celiyo!


Waxana laga yaabaa, in ay Soomaalidu berigaa suunka baabuurka xidhashadiisa ka sastay oo nin waliba is yidhi, " Ayaan reerkiinnii loo wargeynin, war ah; waaley wiilkii oo gaadhiga ayuu ku xidhxidhnaa!"


Cabdullaahi Maxamed Cumar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...