Mukhtaar Cilmaw Xaqiiq-dda Ha Ka War-Wareegin Q.3aad ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday November 06, 2021 - 08:50:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Cilmaw Xaqiiq-dda Ha Ka War-Wareegin Q.3aad ( Abdi-Shotaly).

    N.B Waran Kugu Soo Noqon Doona Lama Rideeyo!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Waran Kugu Soo Noqon Doona Lama Rideeyo!!


 Waxan odhan lahaa ninka la yidhaaho Mukhtaar Cilmi, waxa kuu wanaagsan in aad iska badheedho, oo cadaysato in aad ka soo hor jeedo  somaliland la wadda leeyahay, taas oo ku salaysan sinaan iyo wax wadda lahaansho loo siman yahay, xoriyatul-qawl aan la cabudhin, cadaalad, halka aad taageero qaawan, weliba beelaysan oo aan geed-na loogu soo gaban iyo been ku dhis aan sal ku fadhiyin, raadna aan lahayn aad daba ordayso abuuris-teedda, ee doonaysid in aad garab ku siiso askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo maamul ku sheegiisa keliggii taliyanimo. Wax-ba kuu tari-mayso mar-marsiiyaha madhani, kaas oo aad is leedahay Musharaxa Cabdiraxmaan Ciiro iyo Halyey-ga/Gudoomiye Xirsi Xaaji Cali, oo ceeb aan jirin Iskaga hor keen "Xusbiga Waddani ee Xalaasha daba go'an ah" Taas-na ummadda haatan sidda cadceedaas ugu cadahay in aanay wax-ba ka jirin. Hore baa loo yidhi " Ruuxii agnaan ahi hadalka wuu gagabi-yaaye" Dhabta jirta ka hadal, siddii hal cadho qabta kolba geed ha ku xoqone, oo banaanka is keen, inta aad ka soo baxdo reer hebel ku dhuumashadda uu dhabarku qaawan yahay, misna aad daacad iska dhigayso. Ma jirto ummadan wax u kala qarsooni, ee wax-ba haku soo hulaaban shaadh qaranimo, adiga oo qoysnimo ku taageeraaya iyo gobolaysi askariga " Xaafad-tooyadda" W ax aan kaa soconayna ha iska dhaadhicin in ay ummadu kaa dhegaysa-nayso, waayo gunta baa la soo xaadhay dhukhul-kiina, kaas oo wax idiinka hooseeyaa aanu jirin. si wacan baa hor illaahay la idiin kashifay. Ninkan sheeganaaya magaca  " Mukhtaar cilmaw" Waxad tahay kii ay Soomaalidu tidhi " Tuug-Tuug Ma Sheego" Wax aad dedey-saana waa arinka ay fasilayso maah-maah-dani, Wax-se aad qarin karto baaba iska yar, way-se og-yihiin ummadda reer Somaliland, oo way idinka shisheeyaan, wax aad si kale ugu sharixi kartaana maaha, ee waa waadix aan qof-na dafiri karin, ee ku biyo cab, inta aad meel kale war-waree-gaysid aan kaa soconayn. Ummadu maaha siddii hore, ee way soo jeedaa hadda, loomana khaldi karo siddii hore. ee wax kale ma haysaan taas la ogaaye.



Waxad tidhi ama ku soo qortey Hadhwanaag, Xusbiga  Waddani lacag ma haysto, oo qurba-jooggii wax u ururin jirey way ka jareen, maamulka askari-guna hadeer wuu ku suququlay wixii yaraa ee uu u tuuri jirey. Arinka cayn-kaas ah ee aad war-baahinta ku soo tuurtey, hadaba waxa Murtiyi ay ahayd "Waran kugu soo noqon doona lama rideeyo" Horta aan is weydiino'e, wax ka jiraan waxa aad afka la kala qaaday ee aad soo der-dertey? Jawaabtu waxa weeye "Maya ee wax-ba kama jiraan" Xusbiga Waddani way u hagar la'yihiin taageera-yaashiisa, uu ku leeyahay dhamaan-tood inta qurbaha ku nooli, meel ay caalamka ka joogaan-ba, iya-kaana bixiya kharashka ku baxa 75%, Ogaw oo 25% soo hadhay waxa bixiya taageera-yaasha dalka ku nool. waana ta uu ku helay 44% doorashaddii uu askarigu sidaas u boobay, ee uu misna kaga guulaystay " qudhmiye" Doorashooyinkii is-barkanaa ee ahaa tii deegaanka iyo Golaha wakiiladda, ee uu hadh cad kaga socod-siiyey Shir'gudoonkii wakiiladda, waa ta hadeer uu ku qabanayao khrashka ku baxaaya Shirka golaha dhexe ee dhawrka milayan ee doolar ah, ma jiro hal doolar oo uu bixiyey maamulka askariga Jiho-wareersani, Isaga oo uu distoorku qoraayo in uu bixiyo ama siiyo kolba maamulka dhisani kharashaka Xusbiyadda ee Shirarka Golaha dhexe, kirooyinka Xafiisyadda iyo xaruma-hoodda. sidaas oo ay tahay baanay isticmaalin Waddani, shilin hantidda ummadda ah, laashuuna aanay ku bixin, hebel kala soo baxa xusbi kale, isku dir la iska hor keeno beelaha iyo is nacsiinta ummadda reer somaliland. Oday waxan ku leeyahay, kaa meel mari mayso adiga iyo maamulka askariga-ba'e, haddii afka laguu soo qooyey, xaaraan iyo been baad ku talax tagtaye dib u fadhiiso, oo u kaalay xaqiiq-dda lama dhaafaanka ah. inta aad khiyaaliga iyo Ila-meeraysadda ku war-wareegayso. Xusbiga wadani waa ka nadiif hanti ummadeed oo uu lunsado, musuq-maasaq, qaraabo kiil, keliggii talisnimo, boob lagu qaato baloodho ay dan yar leedahay iyo wixii la mid ah.


Ku soo noqo, oo xusbi ku sheega aad ku faanaysaa lacagta uu uu ku ciyaaraayo ee lagu magacaabo " Qudhmiye" Ma is-weydiisay halkuu ka keeno kharasha uu dalka ku baabi'iyey? Ma taageera-yaal baa soo ururiyey? Ma cirkaa sidda roobka Rabbi uga soo ridey daabu-looyin doolar ah? Mise askariga baa shaqaystay? Ma aabihii buu ka dhaxlay" Isaga oo cumaamad yar madaxa ku duuban, kaba la' buu soo galaye, maantana in ka badan 100 fillo  oo guri buu Hargeysa ku leeyahay (Inta la og-yahay oo keliya) iska daa qoys-kiisa qudha oo ay tiro beeshaye. Beertii uu Cismaan Dacas ka qaaday 3 riig oo biyo ah baa ku samaysan, 300 oo halaad baa iyana uu ku xataystay dhul uu ummad ka qaaday, oo 3 riig oo kale ay waraabiyaan, halka ay Caasimadu ka biyo la'dahay. badh-na ay khudradi uga baxdo, Xisaab aan la soo koobi karin oo uu qoys-kiisa siiyey (Sidda inamadiisa), Ninka inan-tiisa Faadumo qaba, heego-ba, xataa Xisaab-taas aan soo dul maray kuma jiraan ee "Xagee buu ka keenay?" Marka aad intaas ka timaado, xoolaha lagu maamulo laguna raqaayo  Xubiga boobka loo samaystay ee " Qudhmiye" Ma xoolo uu leeyahay baa?  Lacagata aad ku faanayso ee aad leedahay wuu haystaa  is-waydiiyoo halkay ka soo gashay? Saw Hantiddii ummadda maaha, ee uu jeeb walba markuu buux-saday, siduu doono ugu takri falay, kaas oo uu u adeeg-sado, siduu ugu isticmaali lahaa kala dilka muwaadi-niinta, Lacagta aad leedahay wuu haystaa askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Saw taas aan isla garanayno maaha, ma meel kale bay ka timi, waar afka laydha u dhig ha noo sheegine

.
* N.B Waran Kugu Soo Noqon Doona Lama Rideeyo!!
  Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...