Guushii 2017 Kulmiye : Maxamed Baashe Maxaa Geeyey Heego?
Maxamed Baashe Xaaji Xasan waa aqoon yahan wayn oo sugaan
dhaadhi ah
ayna u dheertahay aftatahanimo wayn oo hadalka wadadiisa ku arooriyo.
Waaa aqoontii (Role model) dayartu murtida iyo xikamada wadooyinka u
jeexay ay u mari lahayid. Waxase ayaan daro ah in aqoonyahan, Maxamed
Baashe manta uu jaahilintii iyo ciyaalo Farmaajo halku-dhagyadooda ay
social media ku isticmaalan ee HEEGO ay iyagu macalinka ugu yihiin
isaguna si baahsan u isticmaalo (pervasive use). Suuasha ayaa ah marka
aqoontii ay aqoon daradii hogaanka u qabto saw ma aha tii la yidhi waa
"Duni Akhiro Samaan”.
Suaasha ayaa ah marku xaal halkaa marayo side bulshadeedna kuwa xaqa
ku taagan iyo kuwa beenta loo sheegay la isgu soo dhawayn karaa?
Maxay ahyid Guushii Kumiye ee Maxamed Baashe?
Akhriste la soco in Maxamed Baashe waxa u ahaa raggii ugu fadalo
cadaa olalihii doorashada Kulmiye ku guulaystay 2017, waxanan uga
markaahti kacayaa:
1. Inuu ahaa aqoon yahan tageerada uu bulshada ku leeyahay u isticmaalay in Kulmiye guulaysto;
2. Waxaa u ka mid ahaa ragii aan UK kaga hawlagalay oo wakhtibadan u
huray in qulubta qurba jooga lagu xidho tageerada Kulmiye;
3. In u ahaa raggii ku dagaalamay codkasta oo dadka Kulmiye
tageersani codeeyo oo Hargeeysa abaabulka kaga jiray cadceeda oo kulul
dadka gaadiidka saarayay meeshii kaadhka ka qaateen, Berbera, Burco, iyo
Ceerrigaabo iyo meelo ka durugsan;
4. Waxa u ahaa raggii meel walba u maray tuulo iyo magaalo in
Kulmiye guulaysto aan marna ka caajisin in maddaxwayne Muuse Biixi
guulaysto;
5. Waxa uu ahaa raggii aan seexan malmihii ugu dameeyey ee
doorashada ee sacad sacad u la socoday tirintii codku soo dhacayeen oo
goob kasta oo degmo doorasho codadka muraaqibintu soo turayeen isku gayn
jiray.
Maxamed juhidiggii uu galieyey tageerda, Madadaxwayne Muuse Biixi
lama soo koobi karo. Runtii waxayna ahayid nasiib daro in aan Maxamed
xil aan loo magaacabin. Waayo nin uga mudna ma jirin, waxaanu isku
arkayey in dadkiisa iyo dalkiisa uga faaidayn doono aqoontiisa.
Markaa suaashada jawataasi ayaa ah in aanay marna mudnayn, xaqana
ahyn in ninkii guusha dhaliyey ee wadada ugu adag waliba u soo maray
laga fadalo mid aan taariikh ku lahyn.
Balse Maxamed marna ma ahayn in Kalmada Heego ee Ciyaalo Farmaajo u cadaysto isticmaalkeeda.
Jawaabtaasi waa tayda taaduse maxay tahay?
Guul Somaliland
Axmed Cabdi Ciise
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...