Yaa ka danbeeyay Heshiiska Farmaajo iyo Rooble?

0
Friday November 05, 2021 - 18:35:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ka danbeeyay Heshiiska Farmaajo iyo Rooble?

    Waxaa Qoray Maxamed Macalin Mustaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Qoray Maxamed Macalin Mustaf


Xubno muxaafad ah, Mucaarad, iyo Bulshada badi waxay wali is weydiinayaan sida fudud ee looga gudbay khilaafkii Farmaajo iyo Rooble ee laba bilood cirka ku shareernaa, waxaase todobaadyo kadib banaanka usoo baxay xogo xasaasi ah oo la xiriira sidii xalka loo gaaray kuna yimid.


Ilo wareedyo dhanka dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil Maraykan ah ayaa ku xog bixiyay in labada Mas’uul heshiiskoodu uu ku yimid cadaadis beesha caalamka ah gaar ahaan CIA-da Maraykanka.



Madaxa mukhaabaraadka ahna taliyaha dabagalka ee NISA Cabdulla Daahir oo Cabdullahi dheere ku magac dheer ayaa lasheegey inuu gudbinayay hadba masuulka ka cagajiida heshiiska ayadoo durba masuulkaas loola soo xiriirayey loona sheegayey waxyaaba u furan keliya in ay tahay heshiis.


Sarkaalkan Awoodda badan ku leh dowladda Soomaaliya ayaa dadka yaqaana waxay tilmaameen inuu muddo la shaqeeynayay CIA-da Maraykanka, waxaana kooxo la kala safnaa Farmaajo iyo Rooble intii uu khilaafka socday lagu war geliyay in aysan xitaa soo hadal qaadi Karin oo aysan ka hadli Karin.


CAI-da Maraykanka ayaa la sheegay in ay markii hore diirada saartey in ay cadaadiyaan lateliyaha amniga qaranka oo hore u ahaa agaasimaha guud ee nabad sugida, iyagoo la wariyay in ay qoreen warqad lagu cunaqabateynayo safarada iyo dhaqaalaha Fahad yaasiin hase yeeshee taliyaha mukhaabaraadka Soomaliya ahna wakiilka CIA col. Cabdulhi ayaa si wayn u difaacey wuxuuna ku guuleystey in uu bedbaadiyo saaxiibkiisa Fahad, waxaana wararkaan qorayey wakaaladaha uga afka dheer maraykanka oo xiganaya saraakiil ku sugan Soomaaliya oo magacooda qariyey.


Farmaajo oo dalka sii hogaaminaya wali muddo ka badan lix bilood oo ka dheeri ah afartii sano ee xukunka loo doortay ayaa heshiiska uu la gaaray Rooble, waxay dad badan oo Soomaaliyeed ka qabeen tuhun ku saabsan sida uu ku yimid iyo waxa lagu heshiiyay intaba.


Korneel Cabdullahi ayaa si gaar ah ra’iisal wasaare Rooble ugu qanciyay inuu ogolaado in hey’adaha cadaaladda looga danbeeyo kiiska Ikraan Tahliil, kaasi oo kamid ahaa tiirarka ugu weyn ee khilaafka muuqday.


Shantii sano ee la soo dhaafay casharada laga bartay siyaasadda iyo Amniga Soomaaliya waxaa ugu weyn in saraakiil dhanka amniga ah ay awood sare ku yeeshaan go’aanada siyaasadeed sida ka dhacda dalal badan.


Korneel Cabdullahi Dheere oo xiligan ah madax Mukhaabaraadka ahna taliyaha dabagalka ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu kaalin weyn ka qaatay isfahamka u gaarka ah hey’adda NISA ee General Bashiir Goobe hogaanka loogu diiday.


Dad badan oo arimaha amniga u dhuunduleela ayaa tilmaamay in Korneel Cabdullahi loo badinayo in loo magacaabo taliyaha nabad sugidda Soomaaliya.


W/Q/ Maxamed Macalin Mustaf


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...