Dowlad Ka Tirsan Yurub Oo Baasaboorka Kala Wareegtay Nin Soomaali Oo Loo Heysto Arrin Musuq

0
Friday November 05, 2021 - 15:45:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Ka Tirsan Yurub Oo Baasaboorka Kala Wareegtay Nin Soomaali Oo Loo Heysto Arrin Musuq

    Muwaadinka Soomaaliga ee Cabdirisaaq Waaberi ayaa mar soo noqday Madaxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadinka Soomaaliga ee Cabdirisaaq Waaberi ayaa mar soo noqday Madaxa



Dowladda Sweden ayaa Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Waaberi kala wareegtay baasaboorkiisa Sweden, kadib markii lagu eedeeyay inuu malaayiin lacagta Swedish uu musuq maasuqay.


Waaberi ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan 13 Milyan oo karoon Swedish ah oo u dhiganta 1.5 Milyan oo dollar, isla markaana waxaa la sheegay inuu lacagtaas u soo diray Soomaaliya, laguna maalgeliyay ururo siyaasiyeed iyo kuwa Islaamiyiin ah.



Muwaadinka Soomaaliga ee Cabdirisaaq Waaberi ayaa mar soo noqday Madaxa Iskuulka Muslimiinta ee Römosse School ee ku yaalla Magaalada Göteborg ee dalka Sweden, isagoo lacagta uu musuq maasuqay u kala diray dad kala duwan oo ku sugan gudaha Soomaaliya.


Wargeyska Aftonbladet ayaa qoray in Waaberi ay ku socdaan baaritaano kala duwan oo dhinaca Maaliyadda ah, isla markaana natiijada hordhaca ah ee baaritaanada Maaliyaddeed ee la sameeyay lagu ogaaday inuu Waaberi diray lacago caddaan oo Malaayiin dollar ah.


"Saddex iyo toban milyan oo karoon oo ahayd kaalmo degmadu ugu talagashay hawlaha dugsiga ayaa ku lumay waxyaabo kale,” ayuu yiri Henric Fagher oo ah dacwad oogaha kiiska Waaberi.


Si kastaba Madaxii hore ee dugsiga Muslimiinta Sweden Cabdirisaaq Waaberi ee lagu eedeeyay inuu musuq maasuqay malaayiin lacagta Swedish ayaa marar kala duwan isaga oo ka hadlaayay warbaahinta sheegay inay been yihiin eedeymaha loo haysto, isla markaana uusan lunsan lacag.

Loading...
Loading...