Dhuux oo Dhandhanso.

0
Friday November 05, 2021 - 11:23:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhuux oo Dhandhanso.

    Nabad akhristayaal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaal,

Salaan gacaltooyo kaddib, gabayaa Soomaaliyeed oo nin kale la dardaarmayey; ayaa laga reebay murtidan oo yidhi,

 

" Hashii uu libaaxii dhufsaday dhiigga ka idleeyey

Ha u dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday"

 

Haddii aynnu isku daynno, in aynnu macnaha murtidan u soo dhaweynno; dhallinyarada iyo reermaalka aan si toos ah u dhandhansan karin; waxa uu macnaha murtidan oo koobani yahay:

Haddii uu libaaxu neef dilo, inta neefka ka mac (qiimaha leh) oo idil isaga ayaa cuna. Inta uu cunayana habardugaagga kale kuma soo dhacaan raqda illaa uu libaaxu ka tago! Waayo, way ka cabsoonayaan!

Dabadeedna, waxa laga yaabaa; in uu ninkii neefka lahaa oo baadi doon ahi ugu yimaaddo raqdii neefka: waraabaha, dacawada, haadka iyo inta kale ee habardugaag ah oo raqdii haaligaya (cunaya)!

Waxa haddaba laga yaabaa, in ninkaa neefka lahaa uu u qaato, in hashiisii waraabuhu dilay - illayn waa kii libaaxii  ludda cunay iska tagaye!

Waxa haddaba maangal ah, in uu ninkaasi waraabaha oo luflufkii cunaya toogto oo miskiinkii waraabe oo lafta dhuuxayaa halkaasi ku dhinto!!

Murtida gobo'deedu waxay ku soo ururaysaa, meel rag kaa waaweyn oo libaaxyo ahi hore u laasteen; ha noqonin mid lafaha leefleef oo ku xidhma ama ceeb iyo cudur ka qaada!

Weligaa ka sariigo, cad quudheed iyo cajilka!

 

" Ha u dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday!!"

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...