Mukhtaar Cilmaw Xaqiiq-dda Ha Ka War-Wareegin Q. 2aad ( Abdi-Shotaly).

0
Friday November 05, 2021 - 11:20:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Cilmaw Xaqiiq-dda Ha Ka War-Wareegin Q. 2aad ( Abdi-Shotaly).

    "* N.B Nin Iinlaw Daa Gujadda!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"* N.B Nin Iinlaw Daa Gujadda!"

Hadal waa run kama rayste sheekhawe, waxa wanaagsan in aad badheedh u qirato, in aad tahay qof doc iskaga baydh ah, oo si runta ka fog aad u taageerayso  " Raggii ma adigaa ka hadhay" ( Haday tahay beel-nimo, dano gaar ah oo aad ku qabto, xil ku doonasho, colaad aad beelo gaar ah u hayso, oo nacayb qabyaala-deed kuugu jiro iyo siyaabo badan oo kale, oo aad gacan saar ula leedahay kuu qarsoon. Waxa sas iyo qalbi jab ka qaadeen horu-marka dimuqraadi-yeed ee uu ku talaab-saday Mudane Cabdiraxmaan Cirro, taas oo ah arin aan mid-na hore u samayn, in allaale intii hore u soo martay Somaliland, taas oo uu Ku wareejiyey Gudoomiya-nimadda "Mudane Xirsi Xaaji Cali" isaga oo aan weli kursiga ku fadhiisan. Beenta aan sal raad mid-na aan ku fadhiyin, ee aad soo qortay taas oo ah " Cirro wuu khiyaameeyey Habar-Yoonis" Waxa aad qaadan kari la'diihiin bamka uu ku qarxiyey askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Meel uu ka baxo iyo wax uu ka samayn karaaana aanay jirin, oo aanu lahay-na ku dhacaas, oo illaahay-ba aanu siinin maskax-daas iyo garasha-daas. Waxa laga furfuri la'yahay wareeji gudoomiya-nimadda, waayo kalsooni darro buu qabaa iyo xanuun xukun jacayl ah, nacayb beeleed, tallo xumaan aanu kala garanayn nacab iyo nasteexo, wax maqal la'aan, isla weyni hoosta ka madhan oo uu maafish yahay, xaal-kiisuna uu noqday " Rabbi khalaq wa dalaq" oo af-soomaaliga ku ah micna ahaan " Laguma dhaamee dhaqaaq" haduu bilaabay in uu dhabarka kolba mid-ka-mid ah wasiiro ku sheega, in uu hoosta dhabarka ka taabto, taaso oo uu isku lisaayo " Beesha Habar Jeclo" Ha-yeeshee ma oga in ay kun mayl ka horeeyaan aqoon xumid-diisa.

 

Xusbiga  Rajadda Shacabku ( Waa Waddaniye), ee uu Musharaxa ka yahay Aqoon yahay Mudane Cabdiraxmaan Cirro, aan kuu sheego'e ku soo dhawaw arimahan soo socdda:-

( a) Waa Xusbiga ugu da'dda yar saddexdda Xusbi qaran.,



(b) Isaga oo wax yar dhisnaa helay 2017kii, codka ah 44%, oo weliba loo adeeg-saday Awood dawladeed, sidda uu ku sheegay Mudane Maxamuud Xaashi, oo ah ninkii kursiga saaray-ba. nasiib darro-se waxa uu ugu abaal guday caqli xumaan, hada-se la is baray, oo Maxamuud Xaashi waa Waddani intuu weliba la soo ruqay in ka badan  65% dadkii markii hore la socday


(c) Waa Xusbiga ugu kalsoonidda badan S/land ee haysta "Rajadda Shacabka" in ka badan 95%.

( d) Mudane Cirro waa nin nadiif ka ah, Musuq-maasaq, eex, kala dhawaysi, colaaadiii sokeeye ee la baxday " Marya-Alool", oo aan iska hor keenin dhiiggii ku daadatay muwaadi-niintii uu askrigu fooda isu geliyey si uu kursi ugu doonto, iyadda oo ka aad taageeraysaa ahaa kii ka dambeeyey ee ku faanaayey  "Aniga oo wax dili karaa duco qaadan maayo" Taana wixii kaga dhacay Mukhtaar Cilmiyaw waad ka dheregsan tahay, oo cidi kuu sheegi mayso, maanta ma jirto wax la yidhaaho Jeegaan, maryo-alool, ee waxa jirA " Heego"Oo dhaan ah dhamaan ah qoyska askariga. Beentii iyo maaweeladdii way soo xidhantay, waq baa ka raacday aanu ka soo waaqsa-nayn.


(e)  Mudane Cirro waa nin-kaas iska wareejay gudoomiya-nimadda isaga oo aan weli ku fadhiisan Kursiga, taas oo cadayn u ah in aanu ahayn keliggii taliye, ee la wadda leeyahay ka talinta aayaha dalka iyo danta, maaha sidda askariga aad hoosta ku wadato, ee wax waliba ay jeebka ugu jiraan, inta soo hadhay-na uu u dhiibtay qoys-kiisa.


(f)  Mudane Ciiro Maaha nin godob qaba, sidda saaxiibkaa " Raggii Ma adigaa ka hadhay" Oo ah Dhagar qabe dhulkaw dhaqdha-qaaqa".


(g) Musharaxa Xusbiga Waddani, maaha nin hanti umadeed loo tiri-naayo, dhul uu boobay, Sidda askariga ku hor kaaja " Xaafad-tooyadda ( Waa Guriggii Moorgane).


(h) Ma jirto dan-yar uu dhacay baloodha-dooddii, oo cagaf-cagaf la geliyey.


(i) Ma jirto caruur uu dhalay Mudane Cirro ( Sidda askasriga ) oo suuqa masaakiinta ka af-duuba. ka weynina mudo 4 sano guda-hood ah buu ku noqday qofka ugu taajirsan Afrikadda Bari. Ku darso oo lama aqoonin madaxdii hore caruur-toodda.


(j)  Xusbiga Waddani cid gaar ah, beel iyo koox khaas ahi mid-na ma laha, ee wuxu dhex yaala Ummadda reer Somaliland ee is-bedel doonka ah. lama soo koobi karo arimaha uu Xusbiga Waddani kaga duwan yahay " Qudhmiye" waayo hadaan isku dayno caawa iyo beri ma dhamayn karno. ee qaybtan intaas baan ku jooji-naynaa, Wixii kale qaybaha dambe baad kala socon doon-taan.

 

Askariggii hurdo dhaban dhigi waa, oo jiif iyo joog-ba diid, markii uu arkay Hogaamiye Xirsi Xaaji Cali oo loo cumaaday Gudmiyaha Waddani, Halkaas oo bello kaga faruurantay aanu fila-hayn, Waddani baa ku kacaaya xaal-kaas marna-ba kama uu fekerin ( Haday sun iyo bood daacday), mar kale haduu meel uu cuskado iyo wax qabtaba aanay jirin, oo uu wiish la sara kacay ee runta isu sheega. Waxan ku soo gabaga-beeyey maqaalkan, weedh ka mid ah maansaddii  Abwaan/ Macalin Gaariye (Ihun), taas oo ahayd " Nin iinlaw daa gujadda" Mukhtaaraw waxan ku leeyahay, waxa kuu wacan in aad cadaysa-taan, in aad hayn kari waydeen siyaasadda iyo furfur-naanta hogaanka sare ee Xusbiga Wadani ummadda uu soo hor dhigay, sidda tan wareejinta Gudoomiya-nimadda, Haddii uu Dildilaac ku yimi Xusbi waa " Qudhmiye" Ee maaha oday "Xusbiga Rajadad Shacabka ee Waddani"  Waa taas Bari, galbeed, waqooyi iyo hawd-ba lagu soo dareeray, ee qirta in bayd go'iinii idiin bilaabmay, oo ay idiin dhamaatay, looma baahna been ka sheeg, oo wakhtigan cid aad ku khaldi kartaan khiyaali iyo Xamar buu inagu wadda ma jirto, idinka baaba gacan saar la leh, oo askariga wax walba waxa loo soo mariyaa, una soo saxeexa hor-joogaha " Somaliya" Waa ka la yidhaaho  Farmaajo ee Mareexaane" Waxan kaga baxay maqaalkan, Mukhtaar Cilmiyaw yaanu tareenku kaa tegin inta goori-goor tahay, ee ku soo biir " Xusbiga Rajadda Shacabka" Inta aad garaacayso  " Durbaan haragii ka qoyey, oo bilaa sanqadh ah ha ku daaline, tasho adigu wakhtiga ha iska halayne.

 

La Soco Qaybta 3aad.

* N.B Nin Iinlaw Daa Gujadda!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...