Waa Maxay Sababta La Qarinayo Ee Kor U Kaca Shidaalka Somaliland Qaybta Ka Ahi
1.WAA MAXAY SABABTA LA QARINAYO EE KOR U KACA SHIDAALKA SOMALILAND QAYBTA KA AHI...?
"Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo
dameeraha dawadda lama gaadhayo" bay murti Soomaaliyeed ahayd.
Wasiirka Ganacsiga JSL wuxuu si ula kac ah indhaha uga lalinayaa sababta dhabta ee kor u kaca shidaalka dalka taas, oo marka laga yimaad korodhka shidaalka aduunka ay inaga [Somaliland ahaan] inoo dheer tahay qiimo-korodh shidaal oo ka yimid shirkadda lagu wareejiyay haamaha Berbera ee TRIFAGURA oo noqotay soo-dejiyaha (importer) keliya ee shidaalka dalka yimaad.
2.SIDDEE BAY TRIFAGURA KU NOQOTAY SHIRKADDA KELIYA EE SHIDAAL DALKA KEENTA?
Heshiiska la sheegay in Xukuumadda Biixi la gashay
shirkaddan reer Iswiisarlaan ayaa ah in la balaadhiyo lana casriyeeyo haamaha
keydka shidaalka ee Berbera [Berbera Oil Terminal]. Waxaa kale oo heshiiska ka
mid in shirkaddu ay dalka keento shidaal tayadiisu sareyso oo loo iib garayn
karo dalalka deriska sida Itoobiya oo ah suuq wayn oo baahi shidaal oo mug lihi
ka jirto.
Isagoo heshiiskaa ka duulaya ayaa Wasiirka
Ganacsigu, Saajin, uu wax ka bedelay nooca/derejada shidaal ee dalka la keeni
karo hadda kadib. Si kale haddaan u dhigno wuxuu cayimay waxna ka bedelay
tilmaamaha [Specification] shidaalka Somaaliland la ogol yahay in la keeno.
Wuxuu aad hoos ugu dhigay xaddiga maadadda Salfarta (Low Sulphur) ee la ogol
yahay in ay ku jirto shidaalka dalka la keenayo taas oo la gaadhsiiyay 50 ppm
[0.5%]. Shidaalka aan buuxin shuruudaas marka shaybaadhka la mariyo ma soo geli
karo dalka. Waxaa xusid mudan in ay shaqadda Hay'adda Tayadda ay tahay in
cayinto nooca iyo tayadda shidaalka ay tahay in dalka la keeno valse wasiirku
ku faro-galiyey.
Xaddidaadan Salfarta ee aadka u hoosaysa oo ah heerka Maraykanka iyo Yurub astaysteen balse dal Somaliland oo kale ah ku culus ayaa keentay in Ganacsataddii kale oo dhan ku adkaatay iney soo-dejiyaan shidaal iyo haamihii kaydka oo loo xanibay in badan shirksda ayaaTRIFAGURA ka dhigay SOO-DEJIYAHA KELIYA ee shidaalka dalka. Kadibna waxaa bilaabmay kor-u-kaca qiimaha shidaalka gacan-ku-rimiska ee kootadda dadban ee loo sameeyay Trifagura.
Markabkii u horeeyay ee sida shidaalka maadada Salfartu ku yar tahay ayaa yimid dalka Sibteembar 2020 kaas oo u rarnaa Trifagura. Tani iyo maalinkaa waxaa celcelis ahaan shidaalka foostada shidaalka ah ku biiray $100 in ka badan. Dabcan, sabab kale oo qiime korodhkaa keenay way jiraan balse waxaa marag ma doon ah in kootadda Trifagura ay tahay sabab jirta oo indha uu wasiir saajin ka lalinayo.
3. TRIFAGURA HESHIISKII MA FULISAY?
Maya weeyi jawaabta koobani. Haamihii lama balaadhin lamana casriyayn. sidoo kale shidaal shirkadaasi itoobiya gaysay ma jiro. Taa bedelkeeda imaatinkii shirkadani wuxuu keenay in Itoobiya aynu dib uga soo iibsano taariikhda markii u horaysay inagoo badd leh. Si la mid ah sida inagoo bad leh aynu internetka dib uga soo iibsano Itoobiya. Duulaan dhaqaale oo dad gaara iyo wadamo kale inagu soo qaadeen baana sababteeda ah.
4. TRUFAGURA HESHIISKEEDA GOLAHA WAKIILADU MA ANSIXIYAY?
Maya. Laba sano oo ay dalka ka hawlgalaysay wali lama keenin mana muuqato in la keenayo.
5. TRIFAGURA YAA LEH YAASE KA WAKIIL AH?
Asalkeedu waa iswiisarland balse waxaa somaliland
uga wakiila dad ka ag dhow madaxtooyadda.
6. MAXAA XAL AH EE LAGA QABAN KARAA KOR U KACA SHIDAALKA?
Haddaan la hagraynayn ama hanti aan laga raadinayn dhiiga dadka Somaliland.
a. In la laalo heshiiska aan wakiiladdu ansixin ee Trifagura
b. In xaddiga salfarta ee cidhiidhiga laga dhigay la dabciyo oo la ogolaado ilaa xaddi dhan 1200 ppm inay ku jiri karto shidaalka/naafta dalka imanaysa si ay soo-dejiyaashii hore ee dalku u keeni karaan naafto jabban isla markaana waafaqsan duruufteena dhaqaale.
c.In kaydka haamaha si cadaalad ah shirkadaha loogu qaybiyo loona qoondeeyo mug kayd oo ku filan shirkad walba.
d. in cashuurta soo-dejinta shidaalka la dhimo 30% isla markaana lagu qaado shilinka Somaliland sida cashuuraha kale
ALLAA MAHAD LEH
XAMSE KHAYRE
XOG-HAYAHA GANACSIGA WADDANI