Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 14aad

0
Sunday May 19, 2019 - 22:29:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 14aad

    Sadaqada iyo soonka (2)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sadaqada iyo soonka (2)

Haddii sadaqo aynnu bixinnay cimrigii inoogu dheeraanayo tallow aakhiro marka la joogo na sidee baynu ku noqon doona bixinta sadaqada?. Xadiiska qiimaha badan ee ka warrama maalinta aan hadh jirin ee la taagan yahay bannaanka qiyaamaha ayaaba Rasuulku CSW ka soo reebay dadkaa badan ee bacadka taagan dad toddoba astaamood laga helay in aanay iyagu ku jirin kuwaa bacadka taagan, se ay helayaan hadh Alle SWT ugu talo galay. Haddaba toddobadaa waxa ka mid ahaa sida xadiisku sheegay qof gacantiisa midig waxay bixisay aanay ogaan gacantiisa bidix.

Sida macquulka ah marka qofku wax bixinayo labadiisa gacmood ayaa isku kaashada bixinta, sida lacag la tirinayo si loo bixiyo amase alaab la dhibayo, ee ka warran gacantii ugu dhawayd ba haddii aanay ogayn waxay bixisay saaxibadeed. Murti Soomaaliyeed baa ahayd, "Midigtuba micin ma leh, hadday bidixdu maqan tahay.” Waxa aad arkaysaa in labadii mataanaha ahaa sidaa ku kala tageen, waxa aad arkaysaa in aan dhayal lagu helayn galladaha Alle SWT, se shaqo dheeraad ah lagaaga baahan yahay, markaa waa halka aad is dhigto qof wallow ba.

Soonka dhexdiisa in aad wax sadaqaysato waa mid la dhiri galiyey oo dadku wax wada qabaan, Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, "Qofka, qof sooman afuriya wuxu leeyahay ajarka qofka sooman.” Culimadu marka ay sharraxayaan xadiiskaa waxa ay yidhaahdaan; laga qaadi maayo kan la afuriyey ajarkiisi ee ajarkiisa oo kale ayaa isna la siinaya.

In aad ka war hayso jaarkaaga jilicsan waa mid loo baahan yahay, oo dambi ba waxa kugu filan in adoo dharagsan jaarkaagina kugu ag bakhtiyayaan. Waana mid maanta dhacda in aad arkayso xaafad dhan oo haddana asturan inaan dabba loo shidin, taa soo keentay inay ka dhawrsadeen inay dadka wax waydiistaan, Alle SWT isaga oo wax walba inooga xogogaal badan, waxa uu inoo bidhaamiyey ka war haynteeda, "Ka wax ma garatada ahi wuxu u malaynaya dad xoolo leh is dhawrsanaantooda awgeed, waxa aad se ku garan kartaa tilmaamahooda, dadkana wax ma waydiiyaan.” Kuwaa ayaa ah in la ogaado oo laga war hayo, si Alle inoogu naxariisto.

Inta badan maanta waxa ina wareeriyey dad ay shaqo u tahay oo aan gaajo na soo saarin se soo shaqo tagay. Kuwaas oo masaajiddii lagaga tukan laayahay, halka kuwii ay ahayd in laga war hayo ee jaar iyo ehel ba lahaa la dayacay.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: [email protected]

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...