Mukhtaar Cilmaw Xaqiiq-dda Ha Ka War-Wareegin Q.1aad ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday November 03, 2021 - 18:52:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Cilmaw Xaqiiq-dda Ha Ka War-Wareegin Q.1aad ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Maroodigu Takarta Ku Taagan Ma Arko, Ee Ta Ka Kale Ku Taagan Buu Arkaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Maroodigu Takarta Ku Taagan Ma Arko, Ee Ta Ka Kale Ku Taagan Buu Arkaa

 Mukhtaaraw waxad ka dhigan tahay tafsiirtii, Maah-maah baa ahayd " Maroodigu takarta ku taagan ma arko, ee ta kale ku taagan buu arkayaa" oo micna-heedu yahay, qofka bani'aadamka ahi isagoo dedaaya xumaan-tiisa, waxa uu samaynaayo, xaal-kiisu waxa uu yahay ama ku sugan yahay, buu misna farta ku fiiqaa mid aanu gaadhayn ama hawasan karin, isaga oo ka makhruuqsan hibadda uu Eebbe siiyey, ee isaga la dheer yahay. mar-kaasuu cilado u sameeyaa aan jirin been ah, ceeb-tiisa u gaarka ahna is leh qari, mid aan ceeb lahayna raba in uu marmariyo wisikhdda uu cagaha kula jiro, kaas hormarka uu gaadhay ka dhima-naayo. ka uu doonaayo in uu wax ka sheego weeyee, waa mid ay cirka iyo dhulku intay isu jiraan uga fog, marna-ba-na aanu ag imasho daayoo aanu mayd-kiisa u soo dhawaan karin. 

 

Akhristaw aan ku soo dhawaadee, ninka magaca sare ku yaala lehi,, wuxu ka dhigan yahay, sakaaraddii la yidhi " Xaar la arkaayo, bay aas-aastaa" Wuxu Af-iyo adin awood iyo laxaad isugu geeyey, siddii uu Guusha Waddani ku talaab-saday uu been qaawan uga sheegi lagaa. Isaga oo xuub xaaro oo aan qarinayn huwinaaya ka uu xumaanta iyo isku deegaan baanu nahay uu ku difaacaayo, waa Xusbi ku sheega la yidhaaho " Qudhmiye" ee uu gebi ahaan-ba iska leeyahay askariga ay tallo fara-hiisa ka haaday, ee hadeer uu iska leeyahay ninka la ydihaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay" Bal in uu nin-kani dhinac ka raran yahay, waa halkaas aan sare ku soo qorey ee maah-maah-dda Maroodiga'e"  Ma arkaayo Fool-kaanaha ( Volcanic eruption-ka) ku qarxay Qudhmiye ee uu kunka meelood u kala jabay, haday daacadnimo kaa tahhay Mukhtaar Cilmiyaw, ood hor illaahay u hadlaysid, In kulmiye soo salal-madaw yahay, oo Rabbii garab-kiisa ka baxay, hoo waa tan xaqiiq-dda runta ahiye:-

 

(a) " Qudhmiye iyo Waddani Kee baa Rasmi ahaan u dildilaacay, ee uu jabkii ugu weynaa ku dhacay? Jawaabtu waxa weeye, dildilaacii abid ugu weynaa wuxu ku dhacay " Qudhmiye"

(b) Meeye qoor-weyntii kulmiye guusha gaadh-siiyey:-

 

(1) Maxamed Biixi Yoonis,

(2)  Abiib Timacad,

(3)  Cali Cawaale,

(4) Xirsi Xaaji Cali

(5) Saciid Reygal,

(6) Xuseen Axmed Caydiid 

(7) Ambassador Baashe Cawil.

iyo qaar kaloo badani halkay caawa joogaan waa su'aale.

 

(c) Meeye Taageera-yaashii kursiga saaray  " Raggii ma adigaa ka hadhay"  Meeday Habar Jeclo, Tol-jeclo, Arab, Gabooye, Samaroon iyo reer gebilay, Hargeysa oo kala badhan, Harti oo Inta badani ka wareegtay qudhmiye. una digo rogtay Waddani.

(d) Gobolkii Sanaag Bari ( Warsan-geli)  oo qudmiye ahaa, halkuu joogaa, miyaanay Puntland la wareegin.

(e) Maxamuud Xaashi Saw-kan goostay Bari siduu u dhamaa, iyaka oo ahaa salkii uu ku fadhiyey " Qudhmiye" iyo cagahuu ku taagnaa. intee baa la joogta ama ku hadhay Askariga aad u doodayso?

(f) Jaamac Sheebeel iyo koox-dda uu hor kacayaa, yey ka tirsanaa-yeen, Ma Qudhmiye mise Waddani?

(g) Sawtan ay golihii Wasiiro ku sheega ahaa, ay u kala jabeen Xasan Maxamed Cali ( Gaafaadhi) iyo Geenyo Shaaximan, ee uu askarigu iska hor keenay, isaga oo is leh ka dhex faa'iidayso Beesha Habar Jeclo, markaad isku dirto baad wax ka dhex heli doon-taaye, laakiin-se miyaanay toos uga wadda darreerin, ku darso oo weliba, Kolba ka soo baxa mooyee ka kale Waddani bay u gelayaan isaga iyo koox-dda uu wataa-ba

(h) Miyaanu ku jabin asakrigu Doorashoo-yinkii Deegaanka iyo wakiiladda, oo mid walba aan laga qaadin.

(i) Miyaan qudhmiye afka dhulka loogu darin Doorashaddii Shir'gudoonka.

(j) Miyaan lagala wareegin dhamaan Maayaraddii dalka, marka laga reebo Berbera iyo gebiley, oo iyana wixii ka dhacay iyo sidda ay u qaateen askartu la ogaa.

Bal waxad ka hadlayso adaa sheegi doona, Waxaas oo dildilaac ahi miyaanay ku dhicin Qudhmiye iyo kooxdda u adeegta keliggii taliyaha " Raggii ma adigaa ka hadhay.

 

  La Soco Qaybta Labaad Beri.

 

* N.B  Maroodigu Takarta Ku Taagan Ma Arko, Ee Ta Ka Kale Ku Taagan Buu Arkaa

 Qore:- Abdi Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...