Beenta Iyo Xishood Darada Siyaasada Muqdisho Laysku Maaweeliyo

0
Wednesday November 03, 2021 - 09:50:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beenta Iyo Xishood Darada Siyaasada Muqdisho Laysku Maaweeliyo

    "Ma waxaanu joognaa caalam kale mise xishoodkii,runtii iyo caqligii baa aduunka ka guurey "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma waxaanu joognaa caalam kale mise xishoodkii,runtii iyo caqligii baa aduunka ka guurey "

macaamilo oo la yidhaahdo waxaa idin matalya 2 nin oo qol ku sheekeystey ka dibna la yidhaahdo waa mushariin guuleystey oo sacabna loo tumo (what is going on). 

 

Ma waxaanu joognaa caalam kale mise xishoodkii,runtii iyo caqligii baa aduunka ka guurey 

 

I am surprised by the international community their action, also, I think you are surprised them what they are doing. 

 

Miyaaney ahayn mid run ah sidan: 

 

Waxa Muqdisho ka socda waa "caddaalad darro”, "xikmad darro,” iyo "faragelin aan la aqbali karin oo ay beesha caalamku maalgelineyso. 

 

Kuwaas oo meel ka dhac u ah dadka iyo dalka Somaliland waayo: 

 

    Caalamku waxaa uu isku raacsan yahay in Somaliya iyo Somaliland wixii ka horeyey 1 July 1960 ay ahaayeen laba dal oo jaara oo weliba Somaliland ka hor qaadatey xoriyadeeda Somalida Koonfureed haysateyna aqoonsi caalamiya oo ay aqoonsadeen in ka badan 32 dal oo xor ahi. 

    Caalamku wuxuu marag ka yahay bilowgii 1991 iney Somaliland waxgaradkeedu intey shir wada jira ku qabsadeen Magaalada Burco kaga wada tashadeen xaalada dalkooda ay si wada jira u soo saareen go,aanka dib ula soo noqoshada iyo ka bixida midowgii labada gobol ee 1 July 1960  taariikhu markey ahayd 18 May 1991. 

    Caalamka waxaa aan ka qarsooneyn in Somaliland tahay iftiinka Afrika ee Dumuqraadiyada doorashooyin xor oo xalaala madaxdeeda iyo goloyaasheedu ku yimaadaan codka dadka Somaliland. 

    Caalamku wuxuu marag ka yahay in Somaliland awood u yeelatey iney sugto abnigeedada gudaha kan dalalka jaararka la ah iyo kan caalamka intiisa kaleba dhul cir iyo badba. 

    Caalamku wuxuu marag ka yahay in Somaliland ay iska fogeysey faragelinta arimaha gudaha iyo dabada ee dalalka caalamka guud ahaan gaar ahaana dalalka qaarada Afrika sida kuwa jaararkeeda ah sida : 

 

    Somalida federalka ah 

 

     Dalka federalka Itoobiya 

 

     Jamhuuriyada Jabuuti 

 

    Iyo Dalka Yemen 

 

    Afartaa dal ee aan soo sheegay ciidamada Somaliland ee abnigu waxay kaalin ka qaataan ilaalinta xududada dalalkaasi ee ay Somaliland la wadaagaan si hagar la’aan ah hadana dalal ka mida kuwaasi waxay ka shaqeeyaan hagardaamada Somaliland waxaana kow ka ah dawlada federalka Somaliya ee amaanka xududada ay Somaliland la lee dahay bad,cir iyo dhul kaba 

 

Caalamku wuxuu marag ka yahay in dalal ka mida kuwa caalamku ay xafiisyo diplomatic ku lee yihiin Somaliland sida: 

 

UK 

Ethiopia 

Kenya 

Djibouti   

Taiwan 

Turkey 

Hadaba iyada oo intaas oo xaqiiqo ahi jiraan ayaa hadana jiraan arimo lagu qoslo oo xitaa soo hadal qaadkeedu yahay wax laga xishoodo in la yidhaado hool ku yaala magaalada muqdisho ayaa doorashadii Gobolada waqooyi lagu qatey oo Mahdi Guuleed iyo nin kale ayaa ku guuleystey waa wax aan la qaadan Karin 

What is happening in Mogadishu is "unfair”, "unwise,” and "unacceptable interference and ultimately funded by the international community. 

DAAWO Laba kamid ah Kuraasta SLAND Oo Xamar Lagu Doortay, (hadhwanaagnews.ca)

Kursigan oo ay kuwada tartamayeen musharixiinta kala ah 

Mahadi Maxamed Guuleed Khadar iyo Mushtaaq Ibraahim Yusuf. 

Mahdi Maxamed Guuled oo ku soo baxay kursiga ayaa helay 97 cod, halka Mushtaaq Ibraahim Yuusuf ay heshay 3 cod. 

Sidaa awgeed waxaa lagama marmaana in ay bulshada caalamka ee taageersan fikirkaa qaldan iyo doorasho aan jirin in ay dadkoodu kula xisaabtamaan cashuurtii ay bixinayeen oo lagu kaalmeynayo duminta dumuqraadiyada Somaliland iyo Somaliya ka been abuurasho shacbiga reer Somaliland iyo Somaliya,dhiirigelinta musuqmaasuqa iyo abuurida qalalaase siyaasadeed,nabadgelyo daro iyo xadgudbyada dhanka ah xuquuqda adamaha, ee siyaasada,nabadgelya ,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada. 

 

Waxaa iyaduna wax lala yaabo ah golihii barlamaanka Somaliland oo aan kaba damqaneynin magac dilka iyo been abuurka lagu bahdilayo magacooda,awoodooda,dalkooda iyo dorashadii loo doortey iney dadka reer somaliland wakiilo u yihiin waa su’aal u baahan fasaraad waxay uga aamusan yihiin waxa Muqdisho ka socda, sidoo kale Xisbiyada siyaasada Somaliland oo u muuqda kuwo iyaguun isku maqan balse dalka iyo dadka Somaliland waxba ugu filneyn. 

This means shame to all of you in the international community. 

Mahadsanidin 

M J Farah 

source : hogaanka.org

 La soco qaybaha dambe……

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...