Jawaab Ku Socota Mukhtar Cilmi ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday November 03, 2021 - 09:35:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaab Ku Socota Mukhtar Cilmi ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Si Xun U sheeg Sixir Wuu Ka Daran Yahay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Si Xun U sheeg Sixir Wuu Ka Daran Yahay!
    Waxan la yaabay qaar halkii ay isku khajili lahaayeen xumaanta ay wadaan  iyo kala qoqobka ay ku talax tageen ee ah isku dirka dalka iyo dadka ay dhex dhigeen, weliba ku sii indho cad, oo moodaaya in ay wax sheegayaan ama ay cid duufsan karaan, wax-na ka sheegaaya mid aanay kaba-hiisa gaadhayn, dhinac kaste oo ay noloshu khusayso, haday siyaasad tahay, dul-qaad, aqoon, garasho, cadaalad dadnimo, sinaan, eex lahaan, qabyaalad ka fogaw, saami qaybsi, wadda jir, ka nixidda dan yarta iyo xanaanayn-toodda, daacdnimo iyo xoga-gaalnimo intaba, oo wixii ay hagaaji-yaan ee ay saxaan ku sheegaaya wax khariban, rabana in ay kaga hor tagaan been, si ay u joojiyaan ilayn iyaka baa khiyaali ku noole. waxa kale oo u qaadan waa ah, halkii ay kaga dayan lahaayeen wanaaga uu qof-kaasi samaynaayo bay ka makhruuqsan yihiin, oo si kale oo xumaan ah doonaayan in ay u soo hor dhigaan ummadda, saw wax laga yaq-yaq-soodo maaha. bal ila eegga arimahan soo socodda idin-ba waad yaabi doon-taane, intan hoos ku qoran iyo waxa ay soo malma-luuqday " Heego" iyo inta sidda gaarka ah loogu biilyaa hantidda ummadda, taas oo ay u sii dheer tahay marmar-siiyo ay daaha dabadiisa ka wadaan, iska hor keen cid waliba ay fahmayso. Bal imika bay Habar Jeclo rabaan in ay isku diraan  oo Geenyo shaaximan iyo Gaafaadhi isku xudhuudhi-nayaan, laakiinse iyaku is leh wax qariya oo si kale u turjuma. Mudane Xirsi Xaaji Cali Waa halye, ah hogaamiye Aan hortii hooyo dhalin, rag ka tegay, aqoon yahan iyo ill-dheer garadnimo meel isu soo taagay, Dad hortii buu arkay in uu qaawan yahay askariga " Raggii ma adiga ka hadhay" Ee maxad sheegi boowe, dib u fadhiiso way kaa khaldan tahay xisaab-tuye.

 

    Mudane Ciiro Wuxu idiin jeexay Dhabo cad oo aan horti la marin, qof kale oo samayn karaana aanu jirin, ee ku amaan, ha ka nixine. Waa sidaase, ninka uu ku qoran yahay magaciisu " Cinwaanka Maqaalkan" Baa wuxu ku qorey Hadhwanaagnews, maqaal uu ugu magac daray " Cabdiraxmaan Cirro baa khiyaameeyey Habar Yoonis" isaga oo daliil ka dhiganaaya wax aan sakaaro ka cabin, taas oo ah " Cirro wuxu ku wareejiyey Gudoomiya-nimaddii  Xirsi Xaaji Cali Xasan" isaga oo ku qarinaaya wuxu siiyey Habar Jeclo. Hadaba arinka cayn-kaas ahi dhab ma yahay? Mise wa kiis iska waal aan maskax ku qotomin? Waxan qaba ka waxaas soo dhex dhigay war-baahinta, in uu yahay mid aan geeriddii Nebiga ogayn ( Naxariisi guud-kiisa ha ahaatee). Waxan ku odhan lahaa shakhsi-gaas, Oday Cabdiraxmaan Cirro Muu khiyaamayn Habar Yoonis, Xusbigana H.Yoonis ma laha ee waa Xusbi Qaran, oo loo siman yahay, wax gaar ahna kuma qabto habar Yoonis, kana doonimayso wax aan uunka kale la qabin, sidda Askariga Qudhmiye ku hor kaaja, mana laha, beesha aad carrabka ku dhufatay, ee Waa mid ay ummadu wadda leedahay, loona siman yahay, cid-cid ka lihina aanay jirin, ee dhex yaalla Ummadda reer Somaliland sidda ay u dhan tahay. Hadii aad adigu ku jirto mid reer-kiinu leeyahay, oo aan loo sinayn, nin qudhi iskaga takari fasho, oo aad sacabka u garaacdo keliggii taliye aan cid-na wax u ogolayn, waalan oo bilaa masakax ah, wacad iyo heshiis uu fuliyaa mid-na aanay jirin, xaaraanta ku fool-dhaqdda, oo wax ka xaaraanti-maysani aanay jirin haba-yaraatee, sidaana aad u samaynayso askariga baanu isku xaafad nahay, oo qudhmiye reer-kayaga oo keliya baa iska leh, aan kuu sheegee maaha" Xusbiga Waddani" Sidaas oo kale, ee waa mid ummadda u dhex ah, qof ama beel gaar ahi ma laha ee waa loo siman yahay, xil kuna waa wareegto.

 

     Ciiro Wuxu cadeeyey in uu ka aqoon iyo garasho badan yahay Askariga aad dabadda ka wado, waxa uu u daah furey wax aan hore taariikh-dda Somalaiyeed hore loogu arag, xataa maamullo goboleed-yadda ( Waxad u taqaan Somaliya malaha'e), Jabuuti, kiilka shanaad iyo qaar kaloo badan. waa kee  musharaxa ku dhici karaa sidaas ee aan Mudane Cirro ahayni. Waxa hore loo yidhi ma og-tahay " Si xun wax u sheeg in uu sixir ka daran yahay" Mudane Ciiro wuxu jebiyey silisilado ay mid kastoo hore u yimi ama inoo soo maray uu ku dhici kari waayey, in uu wareejiyo Gudoomiya-nimadda, waa kalsooni uu isku qabo, ragganimo, siyaasad aanu hawaysan karin samayn karina asakriga " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani" Waa nin lagu faano Mudane Cabdiraxamaan Cirro, la hambaliyeeyo, lagu fooladeeyo, oo lagaga daydo, ha-yeeshee waxad ka baqaysaan in asakrigan kala wareegsan lagu kaco, oo la yidhaaho wareeji, taas oo aanu ku dhici karin, ilaahayna aanu uba abuurin, noocaas Mudane Cirro, mana aha laba qof oo isku miisaan ah iyo garasho, sina wax u wadda arki kara, waxay ku kal duwan yihiin aan kuu sheegee, askarigu dalka wuu u soo shaqo tegay, Mudane Cirro-na Wuxu u yimi in uu dad-kiisa iyo dal-kiisa uu dayaca ka saaro aad badeen, ee aad mood iyo nool-ba liqdeen siday u dhamaayeen. Waxan ku soo dabray maqaalkan. Micna-haagu waxa weeye maah-maah-ddii ahayd " Nin iyo hadalkii isu eeg". ku fahanay ee ku hadh Qudhmiye oo beel looga dareeray, qoomamaa xigiye, Habar Jeclo-na way idinka dumaalad dheer tahay, oo reer aad isku jebin kartaan maaha.

 

    * N.B Si Xun U sheeg Sixir Wuu Ka Daran Yahay!

       Qore:- Abdi Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...