Qaraxyo Kusoo Wajahan Waddani Qore Mukhtar Cilmi

0
Wednesday November 03, 2021 - 09:15:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Kusoo Wajahan Waddani Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Waxaa bilaambay dildilaac siyaasideed oo sida tusbax furmay uga socda gudaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waana sidii aan hore u sheegay muran dahsoona oo Xisbiga ka dhex jiray muddo, oo at la.mid yihiin ducufka hogaaminta iyo hagida mabaadii’da siyaasadeed ee Xisbiga dhexdiisa, Xisbiga Waddani ayaa waxaa soo fool saarey dhul gariir Siyaasideed ka dib markii uu guddoomiyaha xisbiga waddani isla markaana ah musharaxa CIRRO uu xisbiga iyo hawlihiisa u wareejeyay XIRSI iyo kooxdiisii naafisay hantida qaranka waagi ay wasiiriinta ahayeen. waxaana soo baxay oo jira khilaaf weyn xisbiga bur bur weyn ku keeni doona kadib markii xubnahii xisbiga soo asaasay ay xilalkoodii lagu qabsaday,oo ay ka mid yihiin garabkii ka baxay waddani dhawaan,iyo siyaasiyiin kale oo iska wada casilay xisbiga.



Maanta xubnihii asaasay 2 baa ku hadhay waa arin argagax ah.

Waxaana cad in xisbigii waddani koox afduubatay oo CIRRO lagu dul inqilaabay xisbigii oo laga dhigay madaxweynaha soo socda waa sakhradii 2017 waagi !.qaraxyo culus aya ku soo wajahan iyo istiqaalado fara badan maana dhici karto xisbi haawan doona in u doorasho gali karo amba ku guulaysan karo. Maanta waxa cadaatay Siyaasadda Iyo aqoonta Iyo xikmadda Iyo garaadka musharax cirro,inta lagu dul mareesanayo talada MUUSE BIIXI bal ya u taliya WADDANI?!!koox hadii ku maroortay xisbigii itaalkii musharaxii dhamaa ee xisbigan ma intaas bu noqday?!ila maaha inu noqon karo madaxweyne xor xita haduu galo madaxtooyadda taasna riyo weyn ayay ila tahay.waxaana soo socda qaraxyo iyo wahab haysta guriga CIRRO la dhaho Guldarada 2022 !.


Qore Mukhtar Cilimi

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...