Jimciyatul Axbaab Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Bogaasiday Wasaarada Cusub Ee Uu Kusoo Kor-Dhiyey Xukuumadiisa.

0
Wednesday November 03, 2021 - 09:08:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jimciyatul Axbaab Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Bogaasiday Wasaarada Cusub Ee Uu Kusoo Kor-Dhiyey Xukuumadiisa.

    War-saxaafadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed

Jimciyada horumarinta bulshada ee (Jimciyatul Axbaab) ayaa waxa ay Madaxweynaha JSL, ku hambalyeysay Wasaarada cusub ee uu kusoo kordhiyey Xukuumada, iyagoo isla markaasina tilmaamay baahida wakhti-xaadirkan bulshada reer miyiga ahi u qabtay inay yeelato wasaarad u gaar ah ooka shaqaysay danahooda horumarineed. Jimciyatul Axbaab ayaa dhinaca kale waxa ay hambalyo iyo bogaadin iyo duco balaadhan u dirtay Wasiirka cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay wasaaradaasi Md. Axmed Aadan Jaamac Axmed



Jimciyatul Axbaab oo War-saxaafadeed ay kaga hadlayaan arimahaasi kasoo saaray Hargeysa ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- 


                           War-saxaafadeed

Anagoo ah Jimciyada Horumarinta Arimaha Bulshada iyo Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ). Marka hore waxa aanu halkan hambalyo uga diraynaa Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi oo aanu ku hambalyeynayo wasaarada muga iyo miisaanka culus ee uu kusoo kor-dhiyey haykalkii xukuumadeed ee Golihiisa Wasiirada, taasi oo ah wasaarada horumarinta reer miyiga ee uu soo kor-dhiyey taasi oo ahayd, wasaarad baahi-weyn loo qabay in dib loo aas-aaso maadama oo badi bulshada dalkeenu yihiin reer miyi xoolo dhaqato ah oo u baahan inay yeeshaan wasaarad u gaar ah horumarinta arimahooda bulsho iyo miyi-ba.


Sidoo kale waxa aanu soo dhawaynaynaa isla markaasina halkan hambalyo uga diraynaa Wasiirka cusub ee xilkaas culus loo magacaabay Md. Axmed Aadan Jaamac Axmed, kaasi oo aanu leenahay mudane ilaahay ha kuu fududeeyo xilkaas culus ee laguu igmaday.


Mudane Wasiir, waxa aanu sidoo kale kugu garab istaagi-doonaa intii karaan kayaga ah sidii aanu kuula fudayn lahayn xilkaas balaadhan ee aad Qaranka JSL u qaaday, anagoo sidoo kale kuusoo gud-bin doona daraasado iyo cilmi baadhis aanu mudo dheer ka wadnay sidii loo horumarin lahaa guud ahaan xoolo dhaqatada iyo reer miyiga Qaranka JSL, oo insha alaah wax weyn ka tari-doonta sidii loo maarayn lahaa dib-u dhaca iyo mushkiladaha xad-dhaafka ah ee haatan ka taagan nolosha reer miyiga iyo xoolo dhatada.

 

Alla Mahad leh

 

 

Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...