Shax iyo Shirabaad Siyaasadeed

0
Wednesday November 03, 2021 - 09:01:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shax iyo Shirabaad Siyaasadeed

    W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad)

Abtigay gudoomiye; Abdirahman Mohamed Abdilahi  (Cirro), ahna musharaxa madaxwayne ee xisbiga isbedelka iyo rajada shacabka Somaliland ee Waddani. Waxa hortiisa yaalla; Hal-xidhaale iyo Shirabaad siyaasadeed oo ah: laba daran mid dooro. Go'aan qaadashadu waa dabci iyo dayr adag oo ilaahay qofka bani aadamka ah ugu deeqo, waana hibo iyo hab u dhalasho oo lagu kala hodansan yahay. Si kastaba ha ahaatee doorkan maanta ah waxa la wada daymoonayaa (Fiirinaya) go'aanka uu gaashaanka u daruurin doono Abtigay, Gudoomiye, Cabdiraxmaan Cirro.

 

Gudoomiyaha xisbiga Waddani, dookha iyo doorashada hortiisa yaalla; waxa ay ina barayaan laba xili oo kala gedisan kalana waayo iyo walbahaar badan. 2015 kii, ayay ahayd markii garabkii uu hoggaanka u ahaa mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan ay iskaga dareereen xisbigii awoodda badnaa ee kulmiye, kuna biireen xisbiga waddani oo markaa curdin iyo caydin siyaasadeed ahaa. Maanta oo laga joogo mudo ku siman 6 gu', waxa ina haysa dabayl iyo duufaan siyaasadeed oo wadata garab kale oo miisaan culus ku dhex leh geyiga iyo ge'daanka siyaasadeed ee Somaliland.  Waana kooxda uu hormuudka iyo horgalaha'ba u yahay mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa la gudboon wada qaadashada; Xirsi oo jiid iyo jiir dheer kala soo baxay xisbiga Waddani maalin ay adkayd iyo Xaashi oo hadda ah siyaasi debad wareeg ah oo damac iyo doolaalo badan isla markaana fartiisa iyo faayihiisa ku eersaday doorashadii 2017 kii. Haddana, quud daraynaya in uu wax ka dhisto isbeddelka Somaliland iyo rajada shacabka ee uu xanbaarsan yahay xisbiga Waddani. Sidaa daraadeed, waxa qurux iyo qiimo badan in uu Cirro yeesho tun iyo tuur uu ku wada qaado labada Mudane ee kasoo wada jeedda beesha bariga Burco, si ay xeedhana xeego u noqoto, ilkana u kala nabad'galaan. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa; "halka aad nin ka qaadato nin baad kaga tagtaa".  Anigu waxa aan qabaa si kasta oo uu ku wada qancin karo labada mudane ee isku beesha kasoo wada jeedda iyo beeshoodaba in uu sameeyo balse uu saldhig iyo sallaan ku sargooyo mustaqbalka lknse aanu hadda ku sargoynin. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa; " waxa umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah", taas oo macnaheedu yahay; waxa beesha bariga burco u dan ah ayaa labada siyaasi na u dan ah.

 

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...