Cirro Khiyaamay Beesha Habaryoonis Qore Mukhtar Cilmi

0
Tuesday November 02, 2021 - 09:49:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cirro Khiyaamay Beesha Habaryoonis Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Maqaalkane wuxuu ku socda taageeryaasha ee weli wax ka sugaya cabdiraxmaan cirro amba u riyoonaya inu yahay qof han siyaasideed leh oo madaxweyne ka noqon kara somaliland.

 

Horta ninkii dhamaa wuxuu iibiyey Xisbigii beeshiisa ay ku tacabtay guda iyo dibadba ,iyagoo hantidooda haliyey ayuu aan la tashan xisbigii dhamaa wareejin doona shirweynaha soo socda. Wuxuu khiyaamiyey tacabkii beeshiisa galisay xisbiga iyo beelweynta arab iyo siyaasiyiin kala duwan.

 

Cirro maanta waji uma yaalo beeshiisa habar yoonis waayo tacabkoodii 10 sano ku wadeen xisbiga ayuu kaga doortay nin aan tacab iyo natiijad ba u keenin xisbiga. Hal xildhibaan mu soo saarin reerkiisu wayna wada dhacayn marka ma nin aan reerkiisu talo lahan ayu xisbigii dhamaa u hoos galinaya?!!!. Waxa lagu xani jiray xisbiga waddani waayadii hore in u xirsi wato hoos ahaan maanta se u dhacday arintaas, cirro waligii laba waji bu ku shaqaysta,hadaba iyadoo aan so gabiyey maqaalkan beesha habar yoonis maxa u yaala ilayn ninkii dhama waaka idin xaraashay ? Tacabkiini ayuu ku khamaaraya 2022 iyadoo wada ognahay 2017 wixi dhacay iyo kartidiisu inta ay legayd?!!.

 

Maanta beesha habaryoonis ayuu ku ciyaaray, iyo beesha arab oo runta laha gudoominimada xisbiga maanta labaa beelood ayu isku dhuftay waana siyaasad xumadiisa, dhaqaale ayuu maanta ka raadinaya umada tacabkoodii ku khamaaray maalin cadna kaga bixi doona saaxada.

 

Qore Mukhtar Cilimi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...