Waa Yaabka Yaabkii (Abdi-Shotaly)?

0
Tuesday November 02, 2021 - 09:46:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waa Yaabka Yaabkii (Abdi-Shotaly)?

    * N.B Yaab-naye Ma Yaab-Teen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Yaab-naye Ma Yaab-Teen?

   Akhrista-yaal bal ila eega arimahan iska hor imanaaya ee meel walba yaala, oo ka jawaaba. Saw maaha yaabka-yaabkii?



      Ma la yaab-teen, caqliga  koonfurta Gaalkacayo iyo Waqooyiga Gaalkacayo mideyn kari waayey, ee leh  Hargeysa iyo Muqdisho ayaan midaynayaa?


      Ma la yaab-taan, maskaxdda aan ninka Dhuuso-mareeb degen u ogolayn inuu gudoomiye degmo ka noqdo Garoowe.


    Ee leh Somaliland baan xukumaa?

    Ma la yaab-teen, ninKa Boosaaso degen aan u ogolayn inuu Jowhar  gudoomiye degmo ka noqdo, ee misana doonaya inuu yidhaahdo midnimo iyo walaalnimo Soomaaliyeed ayaan raadi-nayaa!

 

     Ma la yaab-taan, Caqliga, maamulada qabiilka ku dhisan dhistay ee Koonfurta sidda "Maamulka Mareexaanka ee misana maamul qaran doonaya?


    Ma la yaab-teen, Majeerteen oo ah kii Somali kala dilay, oo imika ku andacoodda Somali-weyn baanu rabnaa?


    Ma la yaab-teen, maamulka mareexaanka haysto, oo aan xamar xukumin, baa ku leh Somaliland anaa xukuma?

    Ma la yaab-teen Hawiyaha meel wadda mari kari la' bay cid kale heshiina-yaan?

 

    Ma la yaab-taan?, Caqliga aan aamin- sameyn in lixdankii laba waddan isku darsadeen, oo ah  wax la yidhaaho Jamhuuriyadda Somalida la baxeen, ee misana doonaya in la aamino in waddan keliya oo Soomaaliyeed jiray?


    Ma la yaab-taan? Caqliga aan Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo Jabuuti iyo NFD-da Kenya haysato aan dhul Soomaaliyeed u aqoon, ee Somaliland u yaqaana dhul Soomaaliyeed?


     Ma la yaab-taan?  Ninka Baydhabo jeclaan waayey, ee Burco jeclaaday?

     Ma la yaab-taan? Ninka Afrikaanku ilaaliyaan, ee misana waddan-kiisii dhex  jooga, leh hadana wax baan maamulaa?

 

    Ma la yaab-teen? Caaqilka "Xaafad-tooyadda" oo haddii aad bacadle furato, kaa raba in aad wiilal-kiisa ka siiso  qayb dhaqaale ( Share), wax kale-ba ha sii joogeene?


    Ma La yaab-teen? Meel walba aniga baa la ii daba fadhiisa-nayaa oo ku maamula digtoonaw, hadana dimuqraadi baan ahay?


   Ma la yaab-teen? Eex iyo, kala dhawaysi, hanti boob, qoys dhis, in la colaw, cadaalad darro,, meel walba aan u dhiibto kuwa i xiga ee aanu isku xaafadda nahay, sidaan doono an yeello, hadana, dhex   baan idiin ahay.


 Ma la yaab-teen? Ganacsi aanay heego ka war qabin lama furi karo, haddii kale waa in ay qayb ku yeelataa?

 

 

    Ma la yaab-teen ka-ka booli-xoof-teeya " Xaafad-tooyadda Hargeysa" ee hadana doonaaya in xildhibaanadda Al-shabaabland ( Waa Somaliya'e) uu isagu soo doorto?


    Ma la yaab-teen, ka sheega-naaya  Somaliland baan hor jooge ka ahay, oo waa dal madax banaan, misana ka Mareexaan baan u daba fadhiyaa dhaqaalaha aduunku bixiyo?


    Ma la yaab-teen ka yidhi, diyaaraddii muwaadi-niinta ee Al-Carabiya iyo Flight Dubai-na waan xidhay? kuwa kiiniya iyo toobiya leeyihiina waan ogolahay?


    Ma la yaab-teen, "Qaadka Miiroga ah" baan soo furaya, kii dadka dalka u dhashay ay Itoobia ka keeni jireen waan yaraynayaa?


    Ma la yaab-teen, dimuqraadi baan ahay, saxaafad madax banaana ma aan ogoli?

    Ma la yaab-teen, Ummad wadda socotaan rabaa, hadana waan u kala ab-tirinayaa, oo waan isku dirayaa, si aanu mid-na-mid u aaminin?


    Ma la yaab-teen nabad baan rabaa, hadana colaad si aan uga dhex huriyo beelaha baan doonayaa? Ilayn si kaste wuu isugu deyey ee ummadda baa u dhaqaaqi la'e.


    * N.B Yaab-naye Ma Yaab-Teen?

    Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...