Halkee Uu Isa-Seega Madaxweyne Biixi Iyo Dadkii La Socday Ka Jiraa ?

0
Monday November 01, 2021 - 10:43:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Halkee Uu Isa-Seega Madaxweyne Biixi Iyo Dadkii La Socday Ka Jiraa ?

    Madaxweynuhu miyuu ka gar daran yahay dadka iyo siyaasiyiinta ka cadheysan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynuhu miyuu ka gar daran yahay dadka iyo siyaasiyiinta ka cadheysan?

Siyaasada Somaliland laga soo bilaabo 2002 waxa ay lahayd hab-dhaqan xulfsi siyaasadeed iyo kooxeysi ah oo isku fileysiiya waxii dawladnimada mansab iyo manfac laga dheefayo , gaar ahaan xukuumadii Axmed Siilaanyo oo dad badan oo dadkii u codeeyey ah xilalka iyo mashaariicba ugu abaal celisay.



Markii uu madaxwayne Biixi kursiga imanayey wado adag oo dagaal siyaasadeed, qordoofooyin iyo xanafo xisbigii iyo xukuumadii uu ka tirsanaa ku hayeen ayuu dirqi kaga soo baxay , markii uu ku guuleystay in isaga madaxwaynihii joogay dhiso oo lagu kala adkaaday nidaamka dhexdiisii waxa uu goostay;


1- In uu sidii uu ku guuleysan lahaa ee uu dadka codka uga heli lahaa u maro wadadii xulfiga oo ahayd amaah maqnayd isaga oo aan waxba isaga tirinayn siyaasiyiinta , waxaana cadeyn u ah Kulmiye markuu laba kooxood kala noqday mudo 1 sano ku dhow ayaanay garabkii kale meel kale tagin oo ay dhexda joogeen , kumuu daba tegin dan na kamuu lahayn.


2- Marka uu soo baxo way u qorsheysnayd in uu sida uu doonayo wax u maamulo oo fagaare ayuu uga sheegay qamaamuurtii Kulmiye ee doortay hadalkiisii waxaa ka mid ahaa ( iimaydaan dooran sida aad doonaysaan in aan idiin yeelo ee waxa aad ii doorateen in aad igu tuhmaysaan in aan wax hagaajiyo , hadhowna fartaydii eedayeey ayaa xigi doonta ) waxaa kuu cadaanaya marka aad dib u daawato in warkiisu cad yahay.


3- Qaabka uu wax u maamulay marka laga yimaado waxii xal siyaasadeed iyo duruufo keeneen mooyaane waxa ay u muuqataa in uu sidii uu rabay ama yoolkiisu ahaa uu wax u maamulay ama ha la foolxumaato dadkii taageersanaa ama hala qurux badnaatee.


Haddaba waxa ugu weyn ee aad dadku ula yaaban yihiin waa in uu madaxwayne Muuse Biixi uu sharaxan yahay isaga oo aan taageerayaashiisii iyo xulafadii siyaasadeed aanay sidii hore aheyn , runtii waa mid leh isweydiin .


Laakiin anigu aragtideyda iyo sida ay wax iila muuqdaan ilaa hadda uma arko in ay fursadiisa uu ku soo laaban karaa ay xun tahay dhawr sababoodba ;


1- waa madaxwayne xukuumad dhan iyo dal dhan maamula oo sidii markii uu dibada joogay maanta wuu uga faham badan yahay wadada uu wax ku helayo.

2- wali wakhti badan baa hadhsan hod seega iyo ilduufka siyaasaduna wuu badan yahay walow aad moodo in xisbiga kulmiye hawl badan u baahan yahay.

3- Waxa ay ku xidhan tahay qorshaha uu la yimaado , waxa uu ka fuliyey balanqaadkiisii iyo barnaamij siyaasadeedkiisii hore iyo hadba sida uu u xusho xubno saameyn siyaasadeed ku leh dalka iyo deeganadoodaba.


Isku soo wada xoori dabaysha siyaasadu way isbadelo badan tahay walow mucaaridku si xoogan u diyaar garoobayaan sidoo kale ay haystaan niyadsami ay ka heleen doorashooyinkii deegaanka iyo wakiilada oo ay guulo wax ku ool ah ka soo hooyeen , haddana hawli way dambaysaa.


Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...