Cadaabtu Rag Ka Doortay, Ciil Intuu Qabi Laaye, Celiyoow Ceeb Iska Maydha

0
Monday November 01, 2021 - 09:56:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaabtu Rag Ka Doortay, Ciil Intuu Qabi Laaye, Celiyoow Ceeb Iska Maydha

    W/Q: Ismail Abdilahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdilahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]

 TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.

 

Cadaabu rag ka doortay,Ciil intuu qabilaaye,

Celiyow ceebi fogaato,Canaan dhaaf arinkiye,

Cadaalad weynay walaalo,U calaacalimayne,

Colaadi la cadaysayo.Ciirsi laysma taraayoo,

Ciinbay daaqday runti,Cisi yeelatay beentuyo,

Maadad weeye culuun ah,Wadanana cadeeyey,

Cid adoon ersanahayn,Caynkeedawga jawaabo,

Cududiinuun mideeyo,Codadkaad bixiseenbaa,

Caaradhuub idin laysod,Cadawgaaga u dhiibto,

Cawaaqibkii aragtaane,Cisayni way dhimatayo,

Caadi weeye isboobkuyo,Ciidaan looga tegayne,

Cadhadiina la dhuunto,Cibaaradun wax ku qaata.

                       Ismail abdilahi handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...