Duqayntii Diyaaradaha Ee Hargeisa 1988-1989.

0
Monday November 01, 2021 - 09:51:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqayntii Diyaaradaha Ee Hargeisa 1988-1989.

    W/Q Rashiid Odowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Rashiid Odowaa

Guud ahaan Saddex waji ayuu soo maray Duqayntii Diyaaradaha ee Somaliland xilligii uu socday dagaalkii ay iskaga hor yimaadeen Jabhaddii SNM iyo Ciidankii Xoogga Dalka Somalia la odhan jiray



Duuliye faarax siciid oo Majeerteen ah taliyihii Ciidanka Cirka Hargeisa iyo Maxamed Aadan Dirir oo Mareexaanah taliyihii ciidanka cirka Ber-bera iyo raxan diyaarado ah oo joogtay Markaas labada magaalo ayaa duqaynta Bilowday markii SNM ay soo galeen Hargeisa,Cadaadlay iyo Burco.


Markii dagaalku adkaaday Faarax siciid wuxuu u habar wacday saldhigyadii ku yaallay Wallawayn,balli doogle iyo Baydhaba.


Gaashaanle sare khaliif ciise yuusuf (Mudan) oo majeerrteen ahaa oo taliyihii Balli doogle oo hogaaminaya Raxan diyaarado noocoodu yahay miig 17 iyo Mig 19 iyo Gaashanle sare Cali Ibraahim axmed oo Reer Banaadir ahaa taliyihii Ciidanka Baydhaba oo isna Hor kacaya raxan diyaaradaha Hunters ah ayaa isaguna si deg deg ah uga soo degay hargeisa kuna biiray Howl galkii duqaynta ahaa ee hore u socday.


Ciidankii hore ee hargeisa ka dagaalamayay ayaa markay arkeen Gurmadka Diyaaradaha ee u yimi waxa sare u kacay Moraal kooda waxayna Aamineen inay imika Jabhadda SNM cagta marin doonaan. Waxa la abaabulay Duullaan Cir iyo dhulba leh oo lagu qaaday goobihii dadka shicibka ahi u qaxeen. Iyo meelihii ay ku tuhmayeen dagaal yahannada SNM waxa markiiba Sahan loo diray diyaaradaha CESNA oo ay wadeen Duuliye AXmed maxamed Maxamuud oo Mareexaan ahaa iyo Suufi Jaylaani maxamed oo reer Baraawe ah Duuliye faarax xaaji salad oo majeerteen ah Yuusuf Duse oo isna majeerteen ah iyo Xasan yare oo isaguna Ogaadeen ahaa. Markii ay sahanka soo qaadeen waxa la qaaday dagaalkii lagu doonayay in lagu soo afjaro halgankii SNM


Duqaynta Cir iyo dhulba lihi waxay socotay muddo dhowr Bilood ah Duuliyayaashasi waxay goob kasta oo ay arkeen Bidhaan dad iyo Duunyoba u duqeeyeen si arxan darro ah. Gaar ahaan G/sare Yuusuf maxamed maxamuud (Yuusuf yare) waxa uu ku abaal mariyay Gacan ku dhiigle Morgan lacag faro badan iyo gaadhi Land cruiser ah.waxana loo aqoonsaday inuu yahay sarkaalkii kaalinta koowaad ka qaatay duqayntii Hargeisa iyo Nawaaxigeeda.


Maxamud Xaaji Warsame( Moto) ayaa isaguna ka qaatay kaalinta labaad halka uu kaalinta sadexaad qaatay G/sare Mursal muufo oo Hawiye (Abgaal) ahaa.wuxu waday miig 19 Duuliyaayaashii ka qayb qaatay dagaalka waxa ka mid ahaa;-


1-G/sare-Khaliif  Ciise Yuusuf  majeerteen Taliyaha C.cirka Balliddogle

2-G/sare –Faarax    Siciid  Taliyaha C,cirKa Hargeisa       Majeerteen

3-G/sare-Maxamed Aadan Dirir taliyaha C,Cirka BerBera

4-G/sare-Yuusuf Maxamed Maxamuud Majerteen Mig 17

5-G/sare-Mursal X,Maxamed (Muufo) Hawiye/ abgaal mig 19

6-G/sare maxamed xasan (Xaad)  oo ahaa Xawadle Mig 19 wuxu ku dhintay Diyaarada Cillad farsamo Airport Hargeisa

7-G/sare-Xuseen Aadan Ibraahim (Samaroon) mig 19 ku dhex dhintay Diyaaradii oo SNM soo Ridday

8-G/sare Axmed Gurxan Hoorri(Ogadeen) oo waday Mig 19 waxa soo ridday SNM wuuna ku dhintay (Gadhka yogol)

9-G/sare-Maxamed Axmed Xaayow Mig 19 kuna dhintay Diyaaraddii u waday Cillad Farsamo Waxay jiidhay Buur Cadaadlay u dhow

10-G/sare- Xirsi Maxamed Farax Mareexaan  Duuliye Mig 19

11-G/sare –C/laahi Xaaji (Ogaadeen) Taliye Xigeenkii Saldhiga  Baydhabo

12-G/dhexe – Maxamuud X.warsame oo dhulbahante ah Duuliye Diyarad Hunter

13-G/dhexe- Maxamed  Khaliif Isaaq (Raxanweyn) Mig Hunter ku dhinaty ka dib markii SNM soo ridday

14-G/sare -Axmed Maxamed Xasan (Axmed dheere) Dheere oo Waday Mig 17 oo ku dejiyay meel ka mid ah xeebta Jabuuti ka dib markuu la baxsaday.


Waxa kaloo jirtay Diyaarad Shabeeley G-122 ah oo rakaab iyo Ciidan labadaba loo adeegsan jiray qaadda oo SNM ku soo ridday Hundulli 1989


Ka dib is difaacii iyo dabkii baahsanaa ee Hawada ka qabsaday C,Cirka Somalia Haddaba marka dhinac kale laga eego waxa ka soo baxay fashil wayn in Ciidanka cirka ee Somalia magac mooyee aanay lahayn tayo waxa la ogaaday xattaa inay hor joogsan kari waayeen shacabkii aan hubaysnayn ee Ethiopia u Qaxayay.ka dib waxa furmay wajigii 2aad ee Duqaynta Calooshood u shaqaystayaasha shisheeye. JamaC Buluug oo Howsha u xil saarnaa ayaa Si Deg deg ah u keenay Duuliyayaal,farsamo yaqaanno iyo Hal Dhakhtar oo dalka lagu soo Geliyay Qaab Dal xiiasaal ah waxa la dejiyay Guri Dabaq ah oo ku yaallay Xaafadda Hodan muqisho Waxa lahaa Guriga Maxamed Cumar Ismaciil (Casabe) oo majeerteen ah.ka hor inta aan Hargeisa loo soo qaadin.


Waxa kaloo la socotay Haweenay la socotay Calooshood u shaqaystayaasha Archie Roboson oo duuliye ka ahayd Diyaarad  CESNA ah oo ka shaqayn jirtay daabulka Khamriga iyo Hilibka Doofaarka oo ka soo qaadi jirtya Nairobi laguna keeni jiray Muqdisho.Nimankaas waxa laga soo kiraystay  Koonfur Afrika iyo SImbabwe waxa ka mdi ahaa lixdan danbiile oo kala ahaa.


1-Duuliye- Je ark Pleak hood

2-Duuliye- M.Segluer

3-Farsamo yaqaan D.R Jackson

4 Eng- Key Jones

5-Admin –C.D Panford

6  G.D Harold


Waxay Saraakiishii Ciidanka Cirku caddeeyeen In tirada Calooshood u shaqaystaashu intaas ka badnayd oo  la bed bedeli jiray Calooshood u shaqaystaashu waxay isticmaali jireen Afgasho ama Code Number oo ahaa Jamac iyo Diini oo loola jeeday Jamac Buluug iyo Jifada uu qabiil ahaan ka soo jeedo Siyaad barre in kastoo ay dad shicib ah iyo hantidodii bur buriyeen haddana lafahooda ayay u cabsadeen oo waxa jirtay in Duuliye ka mid ahaa lixdan nin inuu Xakamihii u jaray Diryaaraddii uu waday oo barashuud kaga goostay Diyaarddii waxay ku dhacday Dalandoolle oo Buur xakaba ku dhow.mar suaalo la waydiiyay wuxu ku jawaabay Hadal la macno ah Adiguba Caqlaad leedahy ee Carar maxa dhaama.in kastoo dhib badan la soo maray waxa maanta lagu illoobi karaa Farxadda iyo Rayn raynta taalla Somaliland.


Warbixntan waxa laga soo Xigtay qayb ahaan Buugga uu Qoray C/qaadir Oromo AHN ee EE Sababihii Bur burka Somalia


Qaybna waxa ku deeqay shakhsiyaad Duulie Suufi Jaylaani,Maxamed Barawaani,Idiris sheikh oo ahaa Gacan yarihii Jaamac Buluug ee Xafiiskii Balli doogle Xisaabiyihii shirkadda dhoodimeer iyo Xoghayihii Ciidanka Cirka waxa soo diyaariyay oo wakhti badan ku bixiyay Cismaan Cabdilahi Sool Freelance Journalist.

 

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...