Dibad-baxayaasha ayaa ka mudaaharaadaya waddooyinka Bamako iyagoo kasoo hor-jeedda joogitaanka Faransiiska ee Mali

0
Sunday October 31, 2021 - 09:38:25 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad-baxayaasha ayaa ka mudaaharaadaya waddooyinka Bamako iyagoo kasoo hor-jeedda joogitaanka Faransiiska ee Mali

    Waxaan halkaan u joognaa oo u nimid inaan muujino madax-banaanida qarankeena,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkaan u joognaa oo u nimid inaan muujino madax-banaanida qarankeena,


Boqolaal dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Bamako si ay uga soo horjeestaan joogitaanka ciidamada Faransiiska ee dalka Mali, iyagoo ku baaqaya in guud ahaan ciidamada Faransiiska laga saaro dalkaasi.


"Waxaan halkaan u joognaa oo u nimid inaan muujino madax-banaanida qarankeena, si aan u xasuusino aduunka oo dhan in madax-banaanida ay iska leeyihiin shacabka, kuwa aan fahansanayn arrintan waa in ay maanta si dhaqso ah u aqbalaan. taas oo keentay tobanaan sano oo maamul-xumo ah, maamul-xumada dalkeena iyo wada shaqayn-xumo,” Mohamed Ousmane Mohamedoun, oo ah Xubin ka tirsan Golaha Kumeel gaadhka Qaranka ayaa yidhi.



” Dhib malaha haddii Faransiisku baxo ama uu joogo, ujeedadu waa in Faransiisku aanu ahayn kan ugu habboon inuu u sheego waddanku waxa uu samaynayo waa in aanu noo yeedhin,” ayuu yidhi dibad-baxe.


Waxaa jira khilaaf ba’an oo u dhexeeya Mali iyo saaxiibkeeda muhiimka ah waa Faransiiskee khilaafkaa oo ku saabsan warbixinnada Bamako laga sheegayo oo ah in ay damacsantahay inay qorato calooshood u shaqeystayaal Ruush ah iyadoo Paris ay dib u qaabaynayso 5,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka ka hortagga argagixisada ee gobolka.


Maali ayaa tan iyo 2012 isku dayaysay inay xakamayso fallaagada islaamiga ah ee xagjirka ah.


Inqilaab militari oo sanadkii hore ka dhacay dalka Mali ayaa xaalada sii cakiray, waxaana madaxda militariga dalkaasi ay dhaleeceyn kala kulmeen Faransiiska iyo Midowga Afrika.

Loading...
Loading...